Entries by Somali Public Agenda

Soomaaliya: Xiriirka ka dhexeeya canshuurta, kalsoonida shacabka iyo adeegyada bulshada

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhawaan bilowday is-bedello dhanka maaliyadda ah ee lagu kobciyo dakhliga gudaha. Dowladda waxa ay bilowday uruurinta laba nooc oo canshuur ah: canshuurta dakhliga iyo canshuurta iibka. Canshuurta dakhliga oo ah 6% mushaarka u dhexeeya $200 iyo $800; 12% mushaarka u dhexeeya $800 iyo $1500 iyo 18% mushaarka ka badan $1500 ayaa la bilaabay in laga qaado shaqaalaha la shaqeeya qaar kamid ah shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha caalamiga ah ee aan dowliga ahayn ee ka howlgala Soomaaliya