Dhibaatooyinka isku milanka xubnaha baarlamaaka iyo golaha wasiirrada Soomaaliya

Kala saaridda awoodaha waxa ay gundhig u tahay dowladaha casriga ah, waana hannaan si siman awoodaha ugu qeybinayo laamaha dowladda. Waxa uu damaanad qaadayaa in laan kamid ah dowladda aanay ka awood badinin laan kale, waxana uu keenayaa isku dheelitirnaan awoodeed iyo isla xisaabtan.

Kala saarista awoodaha waxaa si khaldan looga isticmaalaa qaaradda Afrika. Tan ayaa abuurtay jawi ay ku hanaqaadeen maamullo fulin kalitalis ah oo xarig goosad ah, kuwaasoo meesha ka saaray xuquuqdii asaasiga ahayd iyo xorriyaddii ay muwaadinintu lahaayeen, islamarkaana ay ka dhalatay in la boobo khasnadda dowladda, lagu tunto xeerarka dowladda iyo in dadweynaha sabool noqdaan.

Xiriirka ka dhexeeya nidaamka siyaasadda iyo isku milanka

Awoodda fulinta oo aan si fiican loo xakameynin waxay ahayd dhibaato ka jirtay nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya. Waxay badanaa ka dhigtay nidaamka mid fadhiid ah ama howlgab ah. Awoodda laanta fulinta oo ka sarreysa laamaha kale ee dowladda, gaar ahaan sharcidejinta, ayaa waxaa sii murjiyay hey’adaha dowladda oo taagdaran, ineysan jirin dastuur dadweynuhu meel mariyeen, nidaamka 4.5 ee mataladaadda siyaasadeed ee beelaha, siyaasadda lacagtu hagto, iyo garsoor taag-daran.

Awoodda hey’adda fulinta oo ka sarreysa laanta sharci-dejinta ma ahan mid ku dhisan sharci balse waa xaqiiqo ka jirtay waaqica siyaasadeed ee Soomaaliya iyo nolosha siyaasadeed ee dalka.

Dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya si cad uma tilmaamayo nidaamka siyaasadeed ee dowladda. Tan ayaa soohdin u sameyn lahayd isku milanka labada hey’adood ee baarlamaanka iyo fulinta. Si kastaba, waxaa laga dheehan karaa hab-dhaqanka dowladeed in nidaamka isku-dhafka ah ee Soomaaliya uu u janjeero dhanka nidaamka baarlamaaniga ah.

Marka laga hadlayo nidaamkan (tusaale ahaan dalka Ingiriiska), kuraasta baarlamaanka waxaa buuxiya xildhibaanno xubno ka ah xisbiyo siyaasadeed waxaana soo doorta dadweynaha. Xisbiga ku guuleysta aqlabiyadda baarlamaanka wuxuu fursad u helayaa inuu soo dhiso gole wasiirro uu madax u yahay hogaamiyaha xisbiga ama xubin sare oo xisbiga katirsan. Sidoo kale golaha wasiirrada waxaa lagasoo xulaa xubnaha xisbiga ugu jira baarlamaanka, waxayna helayaan kalsoonida, maadaama ay heystaan aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka.

Xildhibaannada xisbiga aqlabiyadda leh, waxay ku khasban yihiin in ay u dhaqmaan si waafaqsan siyaasadaha xisbiga marka la joogo fadhiyada baarlamaanka, xubnaha aanan tixgelin ama baalmara ujeedooyinka xisbiga, waxay la kulmayaan ciqaab ah in aanan dib loogusoo dooran doonin liiska xisbiga doorashada xigta. Tan ayaa ka dhigan in xildhibaanada iyo xubnaha golaha wasiirrada ay si weyn ugu hoggaansan yihiin xisbiga iyo cod bixiyaasha uu xisbigu matalo balse aysan xil iska saarin baarlaamaanka.

Xildhibaannadii Soomaaliya xilligii xukuumadihii rayidka ee lixdamaadkii waxa laga keeni jiray baarlamaanka, waxana ay badankood ka tirsanaayeen xisbiga SYL iyo xisbiyo kale. Baarlamaanka wuxuu ahaa tiimbare loo isticmaalo in lagu meelmarsado siyaasadaha golaha wasiirrada ee aan si fiican loo ruugin loona kuurgelin.

Lawareegista iyo ku xadgudubka fulinta ee awooddii baarlamaanka waa ay sii xumaatay gaar ahaan xukuumadihii xilalka isaga danbeeyay ee talada qabtay wixii ka danbeeyay dagaalladii sokeeye.

Isku milanka baarlamaanka iyo xukuumadda: maxaa sal u ah?

Arrinka gadaal kaga dhagan horumarka siyaasadda Soomaaliya, oo aysan dalal kale la wadaagin, ayaa ah baarlamaan ay ka buuxaan xubno aan lagusoo dooran nidaam doorasho qof iyo cod ah, kuwaasoo aan ka tirsaneyn xisbiyo siyaasadeed shaqeeya, oo aanan xisaabtan kala dhexeynin codbixiyayaasha, oo taageeradooda ku beddesha maslaxad shakhsi ah, haddana haya xil wasaaradeed.

Baarlamaannada ayay tahay in ay kor-joogteeyaan fulinta siyaasadaha iyo barnaajimyada hey’adda fulinta iyo in ay matalaan danta guud, isla markaana horjoogsadaan tilaabooyinka aan sharciga waafaqsaneyn ee laanta fulinta. Laakiin baarlamaaka Soomaaliya wuxuu ku milan yahay fulinta oo xildhibaanno u magacowday xubnaha goloha wasiirrada, taasoo u xalaaleynaaya fulinta iney u dhaqanto si madax bannaan.

Arrintan waxaa cadeyn u ah xubnaha uu ka kooban yahay goloha wasiirrada hadda jira, kaasoo ah mid kamid ah kuwii ugu wakhtiga dheeraa sanadihii danbe. Ku dhowaad konton (50) xildhibaan ayaa kamid ah golaha wasiirrada. Waa goloha wasiirrada kaliya oo xubno baarlamaan intaa la’eg ay ku jiraan marka loo eego dowladdii hore, oo ay soo mareen saddex (3) raysal wasaare.

Soohdimaha mugdiga galay ee u dhaxeeyay baarlamaanka iyo fulinta ayaa ka imaanaya labo meelood: mid sharciga iyo mid siyaasadeed.

Dhanka sharciga,waxaa jira qodob ku xusand dastuurka kumeelgaarka ah, kaasoo u oggolaanaya xildhibaannada in ay kamid noqdaan goloha wasiirrada. Qodobkaan ayaa caddeynaya in xubnaha goloha wasiirrada laga keeni karo gudaha iyo bannaanka baarlamaanka. Qodobkaan ayaa u muuqda mid aan la jaan-qaadi karin xaaladda aan fadhin ee siyaasadda Soomaaliya. Waa mid u baahan in wax-ka-beddel lagu sameeyo inta dalka oo dhan ay ka qabsoomayaan doorashooyin baarlamaan oo ay xisbiyadu ku tartamaan. Tan ayaa keeni karta golo wasiirro oo uu sameeyo xisbiga ku guuleysta aqlabiyadda ama iyadoo loo maraayo isbaheysi. Mucaraadka dhankoodu waxa ay la soconayaan xadgudub kasta ee uu sameeyo xisbiga talada haya, iyagoo si adag u weydiinaya wax qabadkooda marka loo eego siyaaasadihii iyo barnaamijyadii loo igmaday.

Dhanka siyaasadda, xilidhibaannada waxaa loogu daraa goloha wasiiradda si ay u siiyaan kolsoonidooda raysal wasaaraha la magacaabo iyo xubnaha golihiiisa. Waxay ka difaacyaan in loo jeediyo dhaliil sax ama khalad, in la xisaabiyo, ama laga keeno mooshin kasooni kala noqosho ah oo ka yimaada xildhibaanada. Si lamid ah, xubinnimada golaha wasiirrada waxay ka dhigan tahay awood ay madaxweynayaashu u isticmaalaan in ay ku abaalmariyaan xilidhibaandadii ololaha u galay madaxtinimadooda.

Korjoogteyntii oo laga tanaasulay

Xubinnimada isku jirta ayaa howlgab ka dhigtay wadiiqooyinkii korjoogteyn ee baarlamaanku ugu muhiimsanaa, sida su’aal weydiin, guddiyada wasaaradaha u xilsaaran baarlamaanka iyo kuwo kale. Hababkan ayaa loogu talagalay in uu baarlamaanku kula xisaabtamo hey’adda fulinta. Wiiqitaanka hababkan wuxuu ka muuqdaa inta jeer ee wasiirro laga codsaday in ay horyimadaan baarlamaanka si ay uga jawaabaan su’aalo ay qabaan xildhibaannada ee la xariira waxqabadkooda.

Sidoo kale, guddiyada wasaaradaha una xilsaaran baarista iyo dabagalka waxqabadka wasiirrada, ayaa si daahfuran loo maqlin. Ka warbixinta golaha wasiirrada, kaliya waxaa sameeyay guddiyo ku dhiirraday in ay ka horyimaadaan arrimo la xiriira miisaaniyadda, maaliyadda iyo amniga. Si kastaba, way gaabiyeen kadib markii ay cadaadis la kulmeen. Intaa waxaa dheer, guddiga u xilsaaran arrimaha dibadda, marna si cad uma weydiin dhinacyada ay khuseyso heshiisyadii lagalay labadii sano ee lasoo dhaafay.

Tan ayaa muujineysa sida fulintu ugu milantay baarlamaanka, iyadoo wiiiqeysa shaqadii ugu muhiimsaneyd baarlamaanka ee ahayd korjoogteynta fulinta.

Cawaaqibta ka dhalan karta

Gole wasiirro oo ay u badan yihiin xildhibaanno aan cidna matalin, waa mid leh saameyn ay adag tahay in meesha laga saaro, maadaama fulintu ay tahay hey’adda ugu muhiimsan oo keenaysa isbeddel bulsho, dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo ka hanaqaada dalka. Waxay hortaagan tahay in golaha lagu biiriyo farsamayaqaanno u qalma, kuwaasoo la aamini karo, naftii hurayaal ah, awoodna u leh in ay keenaan natiijooyin wax-ku-ool ah oo lataaban karo. Dadka kartida leh ma yara balse waxaanan jirin rabitaan siyaasadeed.

Ajendayaasha la keeno in looga doodo golaha baarlmaanka waxaa lagu eedeeya in ay saameyn ku leedahay hay’adda fulinta, islamarkaana loosoo qoro si waafaqsan danta fulinta. Qodobada ay soo jeediyaan xubnaha loo aqoonsan yahay in ay mucaarad yihiin dib ayaa loo dhigaa. Tan ayaa qeyb ahaan loo aaneeynayaa iscasilaaddii gudoomiyihii hore ee golaha shacabka iyo ku badelistiisii wasiir hore.

Islaxaabtanka waxaa cuuryaamiyay isku milanka aan shaciga ku dhisneyn. Habsami-u-maamulka howlaha golaha shacabka waxaa cuuryaamiyay xubnaha labada gole ku jira, iyagoo aan imaanin fadhiyada baarlamaanka ee qorsheysan, si dib loogu dhigo ka doodista arrimo ay u arkaan mid xasaasi ku ah masuuliyad-wadareedkooda.

Xalka

Si looga fogaado faragelinta fulinta ee masuuliyadda laanta sharcidejinta, waa in la laalaa qodobada ku jira dastuurka ee oggolaanaya in laga xuli karo xubnaha golaha wasiirrada gudaha baarlamaanka, inta laga qabanaayo doorashooyin ay ku tartamaan xisbiyo siyaasadeed. Inta laga gaaraayo wakhtigaas, xubinnimada golaha wasiirrada waa in lagu koobaa shakhsiyaadka kartida leh, una qalma ee aan baarlamaanka katirsaneyn. Tan ayaa keeni karta gole wasiirro oo howlkar ah, iyada oo ay jireyso fursad lagula xisaabtami karo. Arrintaan ayaa meel mari karta, waayo waxay og yihiin in saaxiibbadood xildhibaannada ahi si dhow indhaha ugu hayaan, haddii ay ka leexdaan qorshihii lagu heshiiyay waxay u keeni kartaa in lagala laabto kalsoonidii. Axdigii kumeelgaarka ahaa ee Soomaaliya ee sanadkii 2000 arinkaas si cad ayuu u qeexay. Waxaa ku jiray qodob tusmeeyay in xildhibaan kasta oo ku biira golaha wasiirrada uu luminayo xubinnimadiisa baarlamaanka.

Farxaan Isaaq Yuusuf waa cilmibaare katirsan Somali Public Agenda. Twitter: @FarhanShabel

 

0 replies

Leave a Reply

Want to join the discussion?
Feel free to contribute!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *