Dib-u-habaynta shaqaalaha rayidka Soomaaliya

Shaqaalaha rayidka waa howlwadeennada dowladda ee masuulka ka ah hirgelinta qorshayaalka dowladda iyo in shacabka la gaarsiiyo adeegyada dowladda. Dhisidda shaqaale rayid tayo leh, xirfad-yaqaanna ah waxa ay qeyb muhiim ah ka tahay dowlad dhisidda.

Tan iyo markii madaxbannaanida la qaatay, shaqaalaha rayidka Soomaaliya waxa ay wajaheen caqabado badan. Dowladihii rayidka iyo militariga ee dalka ka arriminayay intii u dhexeysay sanadihii 1960-kii ilaa 1991-dii waxa ay ku guuldarreysteen in ay yegleelaan hay’ad shaqaale rayid tayo leh. Dib-u-habeyn ballaaran ee lagu sameeyo shaqaalaha rayidka waxa markii ugu horreysay bilaabay Cabdirisaaq Xaaji Xuseen muddadii uu raysal wasaaraha ahaa (1964-1967). Kumannaan shaqaale isugu jira agaasimayaal iyo shaqaale hoose ayaa shaqada looga joojiyay dib-u-habeystaas. Balse doorashadii 1967-dii iyo afgambigii xigay ayaa carqaladeeyay dadaalladii raysal wasaare Cabdirisaaq. Burburkii dowladdii dhexe ee sanadkii 1991 waxa ka dhashay in gebi ahaanba ay burburtay hay’addii shaqaalihii rayidka oo markii horeba itaal liidatay.

Dib-u-dhisidda  shaqaalaha rayidka

Dowladdii federaalka kumeelgaarka ahayd ee uu madaxweyne ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf ayaa bilowday aasaaska hay’adda shaqaalaha rayidka burburkii kadib. Tallaabadii ugu horreeyay waxa ay ahayd qoridda iyo ansixinta sharciga shaqaalaha rayidka, – oo sidoo kale loo yaqaanno Sharci Nambar 11. Sharciga oo ay baarlamaanka federaalka kumeelgaarka ku ansixiyeen magaalada Baydhabo sanadkii 2006 waxa uu gundhig u noqday shaqaalaha rayidka burburkii kadib. Xubnaha Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka  ayaa sidoo kale la magacaabay isla sanadkaas.

Qodobka 7-aad ee Sharci Nambar 11 waxa uu ku waajibinayaa Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka in uu si madax bannaan u shaqaaleysiiyo shaqaalaha rayidka: “Marka hay’adaha dowladda u baahdaan shaqaale, waxa ay shaqaalaha codsi waafaqsan shuruudaha looga baahan yahay u gudbinayaan Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka  ee Dowladda.” Sikastaba ha noqotee, qodobkaas looma dhaqangelinin sida uu yahay, inta badan shaqaalaha rayidka ee shanta kun ka badan ee dowladda u shaqeeya waxa soo xulay wasiirro iyo siyaasiyiin isticmaalay halbeeg qabiil iyo saaxiibtinnimo. Xubnaha Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka ma helin maaliyadda, aqoonta iyo awoodda ay ku fulin lahaayeen waajibaadkooda. Taasina waxa ka dhashay in masuuliyadda Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka  lagusoo koobay diiwaangelinta shaqaalaha cusub oo ay soo xuleen wasiirrada.

Dowladihii dalka soo maray waxa ay ku guuldarreysteen in ay shaqo qorista shaqalaha rayidka nidaamiyaan iyo in ay abuuraan nidaam shaqo qoris ku saleysan tartan iyo aqoon. Shaqaalaha rayidka ma aanay helin tababarrada ay u baahnaayeen. Lama dhisin hay’ado dowladdu leedahay oo tababarro siiya shaqaalaha dowladda. Mushaarka shaqaalaha ma ahayn mid joogto ah mararka qaarna dhowr bilood oo is-xiga ayaanay shaqaalaha mushaar qaadanin. Caqabadahan waxa ka dhashay in dowladdu qorato shaqaale rayid aan awood u lahayn in ay adeegyada aasaasiga ah ee dowladda gaarsiiyaan bulshada.

Dadaallada socda

Inkastoo ay jiraan caqabadahan, haddana waxa sanadihii lasoo dhaafay jiray dadaallo dib-u-habeyn. Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dowladda ee Bangiga Adduunka iyo mashruuca Xoojinta Waxqabadka Hay’adaha Dowladda ee Barnaamijha Horumarinta Qaramada Midoobay ayaa ah labo mashruuc ee lagu tayeynayo shaqaalaha rayidka Soomaaliya. Mashruuca Bangiga Adduunka waxa uu xoojinayaa ilaa toban hay’adood ee dowladda federaalka ah. Waxa uu mashruuca soo kordhiyay hannaan shaqo qoris cusub ee daahfurnaani ku jirto, waxa uuna shaqaale tayo leh u qoray hay’adaha dowladda. Mashruuca waxa uu bilow u noqon karaa dib-u-habeyn ballaaran oo ay dowladdu hirgeliso mustaqbalka dhaw. Mashruuca Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay waxa uu taageeray dib-u-habeynta shaqaalaha rayidka sida dib-u-eegista sharciga shaqaalaha rayidka.

Dowladda federaalka waxa ay bilowday dadaallo dib-u-habeyn loogu sameynayo shaqaalaha rayidka. Lagasoo bilaabo bishii Febraayo ee sanadkii 2017, dowladda waxa ay joojisay in ay qaadato shaqaale rayid cusub sababo la xiriira miisaaniyad yari iyo sidoo kale wax ka beddelka hannaanka shaqo qorista. Saacadaha shaqada oo la kordhiyay iyo in si joogto ah ay u bixisay mushaarka shaqaalaha rayidka, waxa u wehliyay dowladda in ay dib-u-habeyn ku sameysay qaab dhismeedka shaqaaaha rayidka waxa ayna baabi’isay xafiiska ‘Xoghayayaasha Joogtada ah’ ee dhammaan wasaaradaha marka laga reebo hal wasaarad. Dowladda waxa ay sidoo kale bilowday dib-u-qorista dhammaan agaasimayaasha guud.

Qorshe dib-u-habeyn dhammaystiran

In la dhiso shaqaale rayid shaqo yaqaan ah, tayana leh waxa ay muhiim u tahay in dowladdu yeelato awood ay ku dhaqan geliso shuruurcda dalka. In dib loo nidaamiyo lana dhiso shaqaale rayid ku habboon xaaladda Soomaaliya waxa ay u baahan tahay dib-u-habeyn sharci iyo mid maamul.

Kow, sharciga nidaaminaya shaqaalaha rayidka waa in dib-u-habeyn lagu sameeyaa lana ansixiyaa. Waxa dhiirrigelin leh in sharciga dib-u-eegis lagu sameeyay golaha wasiirradana ay ansixiyeen. In uu sharcigaas baarlamaanka ansixiyo waa in mudnaan la siiyaa. Sharciga shaqaalaha rayidka ee dib-u-eegista lagu saameeyay waxa uu noqon karaa bilowga dib-u-habeyn ballaaran ee lagu sameeyo shaqaalaha rayidka.

Labo, sharciyo wanaagsan kaliya kuma filna. Sida aanan loo hirgelinin Sharci Lambar 11 ayaa taasi muujinaya. Guddi shaqaale rayid xirfad yaqaan ah, kartina leh waa in la sameeyaa. Xubnaha guddiga waa in lagusoo xushaa hannaan daah furan. Wasiirrada waa in aanay xagal-daacinin madaxbannaanida guddiga u leeyahay maareynta qorista shaqaalaha rayidka.

Saddex, hannaan cusub ee lagu shaqaaleysiiyo shaqaalaha dowladda waa in la bilaabaa. Marka la eego sida eexda ku jirto ee loo shaqaaleysiiyo shaqaalaha rayidka, hannaan shaqo qoris cad iyo daahfurnaan ayaa aad muhiim u ah. Shaqaaleysiinta shaqaalaha rayidka waa in ay noqotaa mid daahfuran loona isticmaalo aaladda tiknoolojiyada in codsiyada loogusoo dirsado, tartamayaashana lagu kala xulo.

Afar, shaqaalaha rayidka dowladda federaalka waxa ay u baahan yihiin kordhin iyo dhimis isla socota. Dib-u-eegis lagu sameeyo kartida, aqoonta iyo waxqabadka shaqaalaha waa in ay qeyb weyn ka noqotaa qorshaha dib-u-habeyn ee la sameeynayo mustaqbalka. Tani waxa ay ku caawineysaa dowladda in ay u baaqato kharashaadka aan loo baahneyn ee ay ku bixiso mushaarka shaqaalaha aan wax qabadka lahayn. Waxa ay sidoo kale siineysaa dowladda fursad ay ku qaadato shaqaale rayid cusub oo tayo iyo karti leh.

Ugu danbeyn, Soomaaliya waxa ay u baahan tahay machad tababarro siiya shaqaalaha dowladda, aqoontoodana hormariya. Taageerada uu Bangiga Adduunka siiyo Iskuulka Maamulka Guud ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waa bilow fiican. Balse machad u gaar ah shaqaalaha rayidka ayaa buuxin kara gaabiska ka jiro tayeynta shaqaalaha rayidka Soomaaliya.

Qorshe dib-u-habeyn shaqaaha rayidka oo dhameystiran waxa uu u baahan yahay rabitaan siyaasadeed iyo ka go’naansho hay’adaha iyo madaxda dowladda federaalka gaar ahaan madaxweynaha, raysal wasaaraha iyo Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha. Shaqaalaha rayidka waa in ay ka madax bannaanaadaan hardanka iyo khilaafyada ka dhex jira siyaasiyiinta. In la siyaasadeeyo shaqaalaha rayidka waxa ka dhalanaya maamul xumo waxa ayna sii joogteyneysaa daahfurnaan la’aanta ka jirta shaqo qorista shaqaalaha rayidka.


Mahad Waasuge waa cilmibaare iyo qoraa. Twitter: @MahadWasuge

1 reply
  1. Sulekha
    Sulekha says:

    Marka laga hadlayo shaqalo mahan sida somali inteeda badan ee focus ka saarto duty n responsiblty ee waxa kalo jiro rights xaquuq uu qofka lee yahay si kastaba ha ahaate inta aan shaqalaha wax qabad kooda laga hadlin bal aan fiirino goobaha ay ku shaqeeyan wax qabad waxa ka horeya qalabkii wax lagu qaban lahaa ma hestan

    Reply

Leave a Reply

Want to join the discussion?
Feel free to contribute!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *