Dib-usoo-celinta isticmaalka Shilinka Soomaaliga ee magaalada Beledweyne

Halkee dunida kamid ah oo ay dadku gebi ahaanba iska joojiyeen isticmaalka lacagta warqadda ah? Ma ahan Silicon Valley mana ahan Singapore, laakiin waa Beledweyne, magaalo madaxda gobolka Hiiraan ee Soomaaliya. Lagasoo billaabo bishii Nofeembar ee sanadkii 2017, lacagta Shilin Somaaliga lagama isticmaalin Beledweyne. Lacagaha moobilka lagu qaato iyo lacagta adag ee doollarka Mareykanka ayaa ah lacagta kaliya ee la oggol-yahay in wax lagu kala iibsado suuqyada. Inkastoo fahamka iyo aqoonta dad badan oo deggan magaalada ay u leeyihiin isticmaalka lacagaha moobilka ay aad u hooseyso, haddana bulshada Beledweyne ma haystaan wax ikhtiyaar ah oo aan ahayn in ay lacagta lagu qaato moobilka iyo doollarka Mareykanka u isticmaalaan wax kala iibsiga maalinlaha ah. Adeegga EVC- Plus ee Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo adeegga E-Dahab oo ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa ah lacagaha electroniga ah ee magaalada laga isticmaalo.  

Asalka dhibaatada

Arrinta ugu weyn ee sababtay in la diido Shilinka Soomaaliga ayaa ah in suuqii lasoo galiyey lacago cusub. Si kaduwan magaalada Muqdisho iyo magaalooyin badan oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya oo isticmaala kaliya 1,000-ka Shilin Soomaaliga ah ee sii duugoobaya, dadka magaalada Beledweyne ma aysan kala sooci jirin lacagaha; Shilin Soomaaligii hore iyo lacagta cusub ee Shilin Soomaaliga ee lagu daabacay Puntland ayaa magaalada laga isticmaali jirey. Tani waxa ay ka dhalatay isu socodka xooggan iyo xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya magaalada Beledweyne iyo magaalada dekadda leh ee Boosaaso. Si kastaba ha ahaatee, lacagta cusub ee Puntland oo lagu beddelayay doollarka Mareykanka iyo lacagihii hore ee Shilin Soomaaliga  ayaa waxa ay sababeen sicir barar, kalsooni xumo iyo ka aamin bixid lacagtii Shilin Soomaaliga nooc kasta oo ay tahayba iyo dareen ku aaddan  madaxda Puntland ee iyagu ka dambeeyay daabicidda lacagaha cusub.

In ladaabaco ama lasoo dhoofiyo lacago cusub ma ahan wax Soomaaliya ku cusub. Waxa la sameynayay 25-kii sano ee lasoo dhaafey. Arrinka cusub ayaa ah in gebi ahaanba lagu tiirsanaado lacagaha moobilka taasoo ka dhalatay Shilin Soomaali cusub oo suuqa lasoo geliyay. Dadkii ganacsiyada yar yar lahaa ee Beledweyne ayaa bilaabey in ay diidaan lacagta cusub ee Puntland lagusoo daabacdey. Arrinkan ayaa waxaa sii xoojiyay amar kasoo baxay Al-Shabaab bishii Luulyo ee sanadkii 2017 oo lagu mamnuucay in magaalada Beledweyne laga isticmaalo lacagaha Shilin Soomaaliga. Xilligaas wixii ka dambeeyay adeegsiga lacagaha Shilin Soomaaliga ayaa gebi ahaanba Beledweyne ka joogsaday. Inkastoo ganacsatada magaalada ay dadaal ku bixiyeen in ay dib usoo celiyaan isticmaalka Shilin Soomaaliga, maamulka degmada iyo kan gobolkaba ma muujinin in ay arrinkan mudnaan siinayaan mana lahayn karti ay xal uga gaaraan dhibaatada.

Saameyn

In lacagaha ku jira moobillada wax lagu kala gato waxa ay u baahan tahay in uu qofku leeyahay telefoonka gacanta iyo sim kaadh, in uu joogo meel leh anteenada moobillada, iyo koronto lagu dabeyso taleefoonka iyo sidoo kale in uu leeyahay fahamka aasaasiga ah ee sida loo isticmaalo moobilka marka lacag laga diraayo. Badanaa reer baadiyuhu kuma haystaan koronto tuulooyinkooda, oo ma dabeysan karaan moobilladooda – oo ah habka kaliya oo ay waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha ku iibsan karaan.

Qeybo badan oo bulshada Beledweyne ka mid ah oo iyagu leh moobilka gacanta, habka uu u shaqeeyo nidaamka lacagaha moobika ayaa ah mid ku cusub. Dad badan, gaar ahaan waayeelada, caruurta, kuwa aan wax qorin waxna aqrinin iyo kuwa ka yimaada baadiyaha ee magaalada keena dalagyada beeraha iyo xoolaha nool ayaa wajaha caqabado badan oo dhanka dirista lacagaha moobilka ah.

Xaaladaha nololeed gaar ahaan bulshada aadka u nugul ayaa noqotey mid aad u adag. Tusaale ahaan, dadka tuugsada ayaa wata warqado yar oo ay ku qoran tahay numberka taleefoonkooda gacanta marka ay dadka kaalmo weydiisanayaan. Caruurta da’da yar ee kabaha caseeya kana qaata 10 senti halkii jog oo ay caseeyaan ma hubin karaan in lacagtii loo diray oo ay gaartey moobilka lagu diray oo uu lahaa qof ehelkiisa ka mid ah maadaama aanay qaarkood awoodin in ay moobil gataan.

Khaladka ka dhasha marka aad si aan kutalagal ahayn lacag u qalado adigoo isticmaalaya moobilka ayaa ah dhibaato kale. Marka la eego heerka akhris-qorista ee bulshada oo hooseeya, waxaa dhacda in la diro 10 USD iyadoo la rabay in la diro 10 senti iyo taa cagsigeeda oo ah in la dirto 10 senti iyadoo la rabay in la dirto 10 USD.

Dadaallada lagu xallinayo dhibaatada

Dowladda – heer federaal, heer maamul goboleed iyo heer dowlad hoose – dadaallo badan ma aanay sameynin oo ay ku maareeyaan isticmaalka lacagaha ee magaalada Beledweyne. Ganacsatada iyo bulshada rayidka ee magaalada Beledweyne ayaa ka codsaday maamulka gobolka iyo kan degmada in ay joojinta isticmaalka Shilin Soomaaliga xal u helaan oo ay bilaabaan in ay canshuurta ku uruuriyaan Shilin Soomaaliga, balse taasi ma suurogelin. Maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada oo si joogto ah loo beddelo ayaa iyadana qeyb ka qaadatay in aanu dowladda hoose dadaal badan bixinin.

Dadaalka kaliya ee muuqday ee la rabay in isticmaalka Shilin Soomaaliga dib loogusoo celiyo waxaa sameeyay shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay. Shilin Soomaali badan ayaa laga keenay Muqdisho si dib loogu celiyo suuqyada, balse waxaa ka xoog batay kalsooni darrada ay dadku ku qabaan Shilin Soomaaliga.

Magaalada waxa ay ku tiirsan tahay shaqada shirkadaha isgaarsiinta gaarka loo leeyahay. Sidaas darteed, haddii ay cillad ku timaado isgaarsiinta ama anteenada, waxa ay saameyn ku yeelaneysaa dhammaan dadka ku nool magaalada.

Maxay tahay in la sameeyo?

Dadka kunool Beledweyne waxa ay noqon lahaayeen kuwa ugu horreeya ee soo dhaweeya daabicidda lacag cusub. Balse, Sida Somali Public Agenda ku sheegtay faallo ay ka sameysay daabicista lacag cusub, waxaa jira caqabado waaweyn oo fashilin kara lacagta cusub. Caqabadaha amni, kuwa siyaasadeed iyo kuwa maamul ee jira waa in xal loo helaa kahor inta aanan lacag cusub la daabicin. In la sugo inta lacago cusub lagasoo daabacayo xal uma aha bulshada kunool Beledweyne.

Waxaa jira tallaabooyin la qaadi karo si xal loogu helo dhibaatada lacageed ee ka jirta gobolka Hiiraan. Kow, maamulka gobolka iyo kan degmada waa in ay ku dadaalaan in lacagaha cusub ee Puntland lagusoo daabacay aanay suuqyada magaalada soo gelin mar kale. Sidoo kalana waa in ay dhiirrigeliyaan in lacagtii hore ee Shilin Soomaaliga kaliya la isticmaalo.

Labo, maamulka gobolka Hiiraan waa in uu billaabaa in uu lacagaha canshuuraha ah ee koontoroollada magaalada Beledweyne lagu qaado Shilin Soomaali. Sidaas si lamid ah, dowladda hoose waa in ay tusaale u noqotaa aqbalaadda Shilin Soomaaliga islamarkaana ku dhiirrigelisaa ganacsatada in ay iyagana isticmaalaan. Olole wacyigelin waa in sidoo kale la billaabaa oo lagu dhinac wado dadalladan. Warbaahinta magaalada waa in loo isticmaalaa in shacabka lagu dhiirrigeliyo isticmaalka Shilin Soomaaliga.

Saddex, ilaa Shilin Soomaaliga si buuxda looga isticmaalayo Beledweyne, shirkadaha isgaarsiinta waxaa la weydiisan karaa in ay xaddidaan lacagta ugu yar ee moobilka loo isticmaali karo. Shirkadaha waxa ay sameyn karaan in ay 0.5 USD ka dhigaan lacagta ugu yar ee loo isticmaali karo moobilka. Arrinkan waxa uu ka dhignaanayaa in waxyaabaha qiimahoodu ka yar yahay 0.5 USD lagu kala iibsan doono Shilin Soomaali. Tusaale ahaan, haddii uu qof iibsado badeeco qiimaheedu yahay 0.2 USD, waxa uu qofkaasi dirayaa 0.5 USD waxana lacagta u hartay ee ah 0.3 USD loogusoo celinayaa iyadoo Shilin Soomaali ah.

Dhibaatada lacageed ee ka jirta Beledweyne waxa ay muujineysaa sida ay u itaal daran yihiin hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya heerarkooda kala duwan. Waxa ay tusaale u tahay sida dowlado hoose oo xoog leh, si masuuliyadi ku jirtana u shaqeeya ay muhiim ugu yihiin horumarinta bulshada. Dadka kunool Beledweyne waxa ay aad ugu baahan yihiin in ay helaan dowlad maareyn karta dhibaatadan.

0 replies

Leave a Reply

Want to join the discussion?
Feel free to contribute!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *