Falanqeyn miisaaniyadda sanadka 2018 loo qorsheeyay adeegga bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya

Miisaaniyadaha waxa ay muujiyaan qeybaha ay dowlad waliba mudnaanta siineyso sanad-miisaaniyadeed kasta. Haddaba sidee ayay miisaaniyadda dowladda federaalka ee sanadka 2018 mudnaan u siineysaa qeybaha adeegga bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha?

Miisaaniyadda dowladda federaalka ee sanadka 2018 waa $274 malyan.In lacag ka yar $300 malyan ay tahay miisaaniyadda sanadka dhan ee dowlad wajaheysa caqabado badan oo aad xasaasi u ah waa mid aanan ku filneyn. Balse miisaaniyaddaas waxa ay $14 malyan ka badan tahay tii sanadkii hore, Soomaalidana waxa ay u arkaan horumar marka loo barbar dhigo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

$120 malyan — qoondada ugu badan (ama 43.6 boqolkiiba) — waxa ay ku baxeysaa kharashaad maamul sida mishaarka shaqaalaha dowladda oo ay ku jiraan xubnaha baarlamaanka, golaha wasiirrada, shaqaalaha rayidka, iyo guddiyada madaxa bannaan. Qoondo kale oo badan (32.7 boqolkiiba ama $90 malyan) ayaa sidoo kale ku baxeysa hay’adaha amniga ka shaqeeya. Wadarta lacag gaareysa $39 malyan (ama 14.3 boqolkiiba) ayaa loo qoondeeyay dhammaan adeegyada bulshada iyo hay’adaha horumarinta dhaqaalaha

Maalgelinta adeegyada bulshada

$19-ka malyan ee loo qoondeeyay adeegyada bulshada waxa loo arkaa mid aad u yar marka loo barbar dhigo lacagaha ku baxaya maamulka & maareynta iyo ammaanka. Shacabka intiisa badan waxa ay doonayaan adeegyo waxbarasho iyo caafimaad oo tayo leh, oo ay hadda inta badan bixiyaan hay’ado gaar loo leeyahay. Miisaaniyadda adeegyadan loo qorsheeyay waa mid hooseysa waxaana adag in ay horumariyaan helitaanka iyo sharciyeynta waxbarashada iyo caafimaadka dalka.

Miisaaniyadda sanadka 2018 waxa ay Wasaaradda Caafimaadka ka heleysaa $4.4 malyan mana muujineyso miisaaniyadda lacago loogu talo-galay isbitaallo dowladeed. In lacag sidaas u yar loo qoondeeyay caafimaadka dalka oo dhan waxa ay muujineysaa in dowladdu arrimo kale mudnaanta siineyso. Sikastaba ha ahaatee, in daryeel caafimaad laga helo isbitaallo dowladdu maalgelisay waa in ay mudnaan u lahaataa sida amniga oo kale. Maalgelinta caafimaadka waa mid aad u daahday.

Miisaaniyadda Wasaaradda Waxbarashada ee sanadka 2018 waa $7.1 malyan. Sidoo kale lacag gaareysa $2.3 malyan ayaa loo qoondeeyay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Balse miisaaniyad gaar ah looguma talo-galin dugsiyada hoose, dhexe iyo sare. Iskuullada waxa ay muhiim u yihiin horumarinta bini’aadamka iyo soo-saaridda howlwadeennada iyo xirfadle-yaasha mustaqbalka. Marka la eego waxbarashada gaarka loo leeyahay ee dalka aadka ugu badan, iyo heerka wax qoris iyo akhris oo liita, waxa ay ahayd fursad la lumiyay in aanay dowladda federaalku mudnaan siinin aasaaska iskuullo dowladeed oo ay waxbarasho lacag la’aan ah ka helaan caruurta qoysaska saboolka ah ee aan awoodin in ay iska bixiyaan lacagaha lagu dhigto iskuullada gaarka loo leeyahay.

Sidoo kale, miisaaniyad celcelis ahaan  $3 malyan ah ayaa loo qorsheeyay wasaaradaha shaqada iyo shaqaalaha; dhalinyarada iyo ciyaaraha; iyo dumarka iyo xuquuqul insaanka. Dhalinyaradu waxa ay ugu badan yihiin dalka, dumarkuna waa qiyaastii kala bar tirada Soomaalida. Miisaaniyadda loo qorsheeyay waxa adag in horumarin iyo wax ka beddel weyn looga sameyn karo arrimaha dhalinyarada iy haweenka.

Miisaaniyad $19 malyan ah (ama 6.9 boqolkiiba) kuma filna in lagu daboolo baahiyaha badan ee loo qabo adeegyada waxbarasho, caafimaad, iyo kuwa kale ee bulshada muhiinka u ah. Balse qoondada adeegyada bulshada waxa ay laba jibbaar ka badan tahay $8.3-kii malyan (ama 3.2 boqolkiiba) ee loo qoondeeyay adeegyada bulshada oo dhan sanadkii hore. Kororka intiisa badan waxa uu aaday Wasaaradda Waxbarashada ($7.1 million) oo sanadkii 2017 miisaaniyad u heshay $2.2 malyan iyo Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo ay sanadkii 2017  miisaaniyaddeedu ahayd $1.5 malyan, sanadkanna laga dhigay $2.3 malyan. Inkastoo kororkaasi uu ififaallo wanaagsan yahay, haddana waxa aanan mudnaan ku filan helin isbitaallada dowladda iyo waxbarashada heerka aasaasiga iyo dugsiyada sare.

Kobcinta dhaqaalaha iyo dakhliga

Kordhinta qoondada miisaaniyadeed ee adeegyada bulshada waxa ay ku xiran tahay awoodda ay dowladdu u leedahay sare-u-qaadista dakhliga gudaha ama canshuurta. Maadaama miisaaniyadda la filayo in lagu kabo $118.6 malyan (43% miisaaniyadda 2018), kordhinta dakhliga gudaha waa in uu ahmiyadda koowaad u ahaado dowladda, taasi oo khasab ka dhigeysa maalgelinta iyo kobcinta dhaqaalaha. Sikastaba, miisaaniyadda dowladda federaalka ee sanadka 2018 waxa ay u qoondeysay $20.3 malyan (7.4 boqolkiiba) hay’adaha kobcinta dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarinta. Miisaaniyaddan waxa ay wax yar ka badan tahay $17.4 malyan ee sanadkii 2017 loo qoondeeyay balse waxa ay ka yartahay maalgelinta loo baahan yahay si loo kordhiyo dakhliga gudaha.

Lacag wax yar ka badan  $3 malyan ayaa waxa wadaagaya wasaaradaha tamarta iyo biyaha; beeraha; iyo xoolaha, dhirta iyo daaqa. Lacag ka yar $2 malyan ayaa sidoo kale loo qorsheeyay kheyraadka badda. Sidoo kale, wasaaradaha ganacsiga iyo warshadaha ($2 malyan), isgaarsiinta iyo boostada ($2.4 malyan oo ay ku jirto Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka), howlaha guud iyo dib-u-dhiska ($1.2 malyan), gaadiidka cirka ($2.5 malyan) iyo gaadiidka badda iyo dekadaha ($1.3 malyan) ma helin qoondo ku filan – maadaama miisaaniyadda inteeda badani aadeyso kharashaadka ku baxaya maamulka.

Ganacsigu waxa uu kobcayay tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee sanadkii 1991. Sikastaba, hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh lasocodka iyo horumarinta tayada adeegyada iyo wax-soo-saarka waxa ay la daalaa-dhacayaan miisaaniyad yari. In dhaqaale iyo miisaaniyad badan la geliyo hay’adaha horumarinta dhaqaalaha kaliya muhiim uma aha abuurista fursado shaqo iyo gaarsiinta shacabka ee adeegyada bulshada, waxa ay sidoo kale si weyn kor u qaadeysaa dakhliga gudaha kasoo gala dowladda, waxa ayna yareyneysaa kabitaanka beesha caalamka ee miisaaniyadda.

Jihada loo socdo

Inkastoo miisaaniyad yar loo qoondeeyay adeegyada aasaasiga ah, haddana in ay jirto miisaaniyad lagu hormarinayo oo si tartiib ah u kordheysa ayaa ah talaabo  weyn ee horey loo qaaday marka la fiiriyo duruufaha dalka oo aan dhowr sano kahor lahayn miisaaniyad. Sanadkii 2013, miisaaniyadda dalka waxa ay ahayd $114 malyan. In la kordhiyay $160 malyan muddo shan sano gudahood ah, ($114 malyan 2013-kii; $218 malyan 2014-kii; $ 135 malyan 2015-kii; $171 malyan 2016-kii; $260 malyan 2017-kii; iyo $274 malyan sanadkan 2018) waxa ay muujineysaa in tallaabooyin wanaagsan horey loo qaaday.

Si loo ballaariyo horumarka dowladda, miisaaniyadda dowladdu waa in ay noqotaa mid mudnaanta siisa horumarinta adeegyada aasaasiga ah, soo nooleynta dhaqaalaha, iyo kordhinta dakhliga gudaha. In miisaaniyadda loo kordhiyo adeegyada bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha waxa ay xal u noqon kartaa waxyaabo badan ee keena colaadaha iyo amni xumida dalka. Waxa ay sidoo kale yareyneysaa shaqa la’aanta baahsan ee ka jirta dalka taas oo ku dhalisa dhalinyarada qaar in ay tahriibaan ama xagjir noqdaan.


The Somali Public Agenda (SOPA)

1 reply
  1. Mohamed Hassan Kuuriya
    Mohamed Hassan Kuuriya says:

    Maasha.allaah aadaan uga helay sida wngsan ee aad noogu soo bandhigteen macluumaadka miisaaniyada dowladda waana arin lala yaabo in wasaarada caafimaadka dhan ee dalka loo qoondeeyo 4 milyan.

    Reply

Trackbacks & Pingbacks

Leave a Reply

Want to join the discussion?
Feel free to contribute!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *