Falanqeyn miisaaniyadda sanadka 2019 loo qorsheeyay hay’adaha garsoorka, adeegyada bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya

Maalintii ugu dambeysay ee sanadkii 2018, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2019 ee dowladda federaalka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda. Wadarta guud ee miisaaniyadda sanadka 2019 ayaa ah $344 malyan. Waxa ay $70 malyan ka badan tahay miisaaniyaddii sanadkii hore oo ahayd $274 malyan. Waa koror badan marka la barbar dhigo sanadihii hore: miisaaniyaddii sanadkii 2018-ka waxa ay $14 malyan oo kaliya ka badnayd miisaaniyaddii 2017 oo ahayd $260 malyan.

Halkudhigga miisaaniyadda sanadkaan (iyo sidoo kale sanadkii hore) ayaa ah ‘ku tiirsanaanta kheyraadkeena’. Dakhliga gudaha ee la filanaayo in lasoo xareeyo ayaa ah $189.9 malyan oo la rajeeynayo in uu ka yimaado canshuuraha faa’idada iyo mushaarka, faa’iidada ra’sumaalka, maciishadda iyo adeegyada, iyo ganacsiga caalamiga ah. Tan ayaa la micno ah in dowladdu dooneyso in $17.4 malyan oo dheeraad ah ay kasoo xareyso dakhliga guddaha marka loo eego sanadkii hore oo la qorsheeyay in $172.5 malyan dakhliga gudaha ah lasoo xareeyo. Intaa waxaa dheer, wadar gaareysa $154.3 malyan ayaa la rajeynayaa in ay ka timaado deeq-bixiyayaasha caalamka qaab labada geesood ($30 malyan) iyo dhinacyo badan ($124.3 malyan) ah. Tan ayaa $30 malyan ka badan kabidda miisaaniyadda ee dalalka kale oo sanadkii tagey ahayd $124.3 malyan, taa oo la micno ah in dowladdu ay dabooleysoo 55.2 boqolkiiba miisaaniyadda sanadkan halka 44.8 boqolkiiba ee soo hartay ay kabayaan deeq-bixiyeyaasha caalamka. Inkastoo halkudhiggu yahay ‘ku tiisanaanta kheyraadkeenna’, miisaaniyadda sanadeedka 2019 waxa ay muujinaysaa ku tiirsanaanta cawinaad maaliyadeed oo ka timaada waddamo kale iyo hay’ado caalami ah.

$133.9 malyan – lacagta ugu badan (ama 38.9 boqolkiiba) ee miisaaniyadda – waxa ay ku bexeysaa kharashaadka maamulka ee soo noqnoqda ee ku baxa xafiisyada kala duwan ee dowladda. Qeyb kale oo muhiim ah oo kamid ah miisaaniyadda ($110.8 malyan) waxa ay ku baxeysaa hay’adaha difaaca iyo amniga. Lacag yar oo ah $10.3 malyan ayaa loo qoondeeyay hay’adaha garsoorka. Wadarta lacag gaareysa $50.8 malyan ayaa loo qorsheeyay hormarinta dhaqaalaha iyo bixinta adeegyada bulshada; tan ayaa $11 malyan ka badan miisaaniyaddii sannadkii hore oo $39 malyan lacag ahloo qorsheeyay hay’adaha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, waana ififaalo wanaagsan.

Maalgelinta hay’adaha garsoorka

Helitaanka cadaalad ayaa kamid ah waxyaalaha mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed. Balse, lacag yar oo ah $10.3 malyan ah (ama 3 boqolkiiba) ee guud ahaan miisaaniyadda $344.2-ka malyan ah ayaa aadeysa hay’adaha garsoorka. Wasaaradda Cadaalada waxaa ay heleysaa lacag kayar hal malyan ($718,088, taa oo $64,389 ka badan miisaaniyadda 2018 oo ahayd $653,699). Ciidamada Ilaalada Maxaabiista ayaa loo qoondeeyay $6.7 malyan – oo ku dhawaad hal malyan ka badan qoondadii sanadkii hore oo ahayd $5.8 malyan. Hay’adaha garsoorka sida Maxkamadda Sare ($952,744); Maxkamadda Gobolka Benaadir ($1.5 malyan); iyo Maxkamadda Racfaanka ($270,284) ayaa sidoo kale helaaya qoondo yar oo ka mid ah miisaaniyadda.

Hay’ado muhiim ah ee u xilsaarnaa in ay xoojiyaan madax bannaanida garsoorka iyo in ay dib-u-habeyn ku sameyaan laamaha garsoorka ayaa ah kuwo aanan weli la dhisin. Waxaa kamid ah Golaha Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga, sidoo kale hannaan garsoor oo heshiis lagu yahay maadaama nidaam federal la qaatay ayaanan jirin. Sidaas oo ay tahay, Golaha Adeegga Garsoorka ayaa waxaa muddo saddex sanno ah loo qoondeynayey miisaaniyad. Miisaaniyad dhan $188.792 ayaa golaha loo qorsheeyay sannadkan. Lacag intaa la’eg ayaa loo qoondeeyay sannadkii tagey ee 2018.

Waxaa walaac leh laantii saddexaad ee dowladda, oo ay ahayd in ay ka madax bannaanaato lamaha kale ee dowladda, in ay heleyso miisaaniyad aad u yar oo ah $10.3 malyan. Tani ma ahan mid dhiiragalineysa kalsoonida shacabku ku qabaan garsoorka dalka.

Mudnaan siinta adeegyada bulshada

Miisaaniyadda sanadka 2019 ee dowladda federaalka ayaa waxa ay $26.4 malyan (ama 7.7 boqolkiiba) u qoondeysay adeegyadda bulshada. Tan ayaa ah koror bogaadin mudan. Waa laba jibbaarka miisaaniyadda sanadkii hore oo ahayd $13.2 malyan taa oo loo qoondeeyay dhammaan wasaaradaha adeegyada bulshada loo igmadey.

Lacagta la kordhiyay inteeda badan waxa ay aadeysaa waxbarashada, oo sanadkan heleysa $16 malyan marka loo barbardhigo sanadkii 2018 oo ay heshay $8 malyan – Wasaarada Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ($10.4 malyan), Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ($3.4 malyan), Acadeemiyada Seyniska iyo Aartiska Soomaaliyeed ($939,341) iyo Akaadeemiyadda Dowladaha Af-Soomaaliga ku hadla ($1.3 malyan). Miisaaniyadda Wasaaradda Waxbarashada oo sanadkii 2018 ahayd $4.5 malyan ayaa $10.4 malyan laga dhigay sanadka 2019, tani waa tusaale muujinaya in waxbarashadu ay mudnaan u tahay xukuumadda talada heysa. Qeyb kamid ah miisaaniyadda ayaa aadeysa iskuulada dowladda oo ay gacanta ku hayso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa heleysa miisaaniyad gaareysa $7.3 malyan sannadkan ayadoo sanadkii tagey ee 2018 loo qoondeeyay $4.4 malyan. Kani waa koror bogaadin mudan, laakin waxa la sugayaa sida kororka miisaanyadda uu wax uga beddeli doono helitaanka iyo tayada daryeelka caafimaadka ee isbitaallada dowladda. Wasaaradaha kale ee adeegyada bulshada ayaa iyagana loo qoondeeyay miisaaniyad yar. Miisaaniyadda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bilshada ($1.5 malyan), Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Insaanka ($1 malyan), iyo Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ($639,424) waxa ay muujinayaan in wasaaradaha adeegyada bulshada ay weli yihiin kuwo aan helin miisaaniyad ku filan.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo çiyaaraha ayaa mudan in si gaar ah loo xuso. Inkastoo ay metesho inta ugu badan shacabka, miisaaniyadda Wasaaradda ayaa ah mid wax yar ka badan nus malyan. Waxaa kasii walaac badan in miisaaniyaddii sanadkii 2018 oo ahayd $642,928 la dhimay oo laga dhigay $639,424 sanadka 2019. Tani waxa ay muujinaysaa in dowladdu dhumisay fursad ay ku maalgelin lahayd dhalinyarada kuna dhiirrigelin lahayd isdhexgalka iyo awoodsiinta dhalinyarada.

Misaaniyad gaareysa $26.4 malyan (ama 7.7 boqolkiiba) ma ahan mid ku filan daboolidda baahiyaha loo qabo adeegyo bulsho oo tayo leh, oo ahaa kuwo aanan jirin ama hay’adihii bixinayay ay tabar daranaayeen ku dhawaad 30-kii sano ee lasoo dhaafay. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ahaa koror aad muhiim u ah marka loo eego sanadkii tagey oo $19 malyan (ama 6.9 boqolkiiba miisaaniyadda) loo qoondeeyay adeegyada bulshada. Miisaaniyadda adeegyada bulshada oo ahaa $8.3 malyan (2017) oo noqday $26.4 malyan (2019) muddo labo sano gudahood ah waxa ay ififaalo wanaagsan ka bixineysaa mustaqbalka adeegyada bulshada ee Soomaaliya.

Kobcinta dhaqaalaha iyo dakhliga

In la kordhiyo qoondada miisaaniyadda ee hay’adaha cadaaladda iyo adeegyada bulshada waxa ay ku xiran tahay awoodda ay dowladdu u leedahay in ay kobciso dakhliga ka yimaada dalka gudihiisa, taa oo iyadana u baahan in maalgashi lagu sameeyo hay’adaha ka shaqeeya kobcinta dhaqaalaha. Miisaaniyadda 2019 ee dowladda federaalka ayaa waxa ay $24.4 malyan (7.1 boqolkiiba) u qoondeysay hay’adaha loo igmadey hormarinta dhaqaalaha. Tan ayaa wax yar ka badan miisaaniyadda hay’adaha dhaqaalaha ee sanadkii tagey oo ahayd $20.3 malyan.

Ku dhawaad $4 malyan ayaa loo qorsheeyay Wasaaradaha Biyaha iyo Tamarta ($1.3 malyan); Beeraha ($1.6 malyan); iyo Xoolaha ($1 malyan). Lacag wax yar ka badan $2 malyan ayaa loo qoondeeyay hay’adaha kheyraadka badda. Waxaa la yaab ah in miisaaniyadda hay’adaha kheyraadka badda ay ku laba jibbaarmaan qoondada wasaaradda xoolaha oo qeyb muhiim ah ka ah waxsosaarka dalka. Qoondada wasaaradda xoolaha ayaa ah midda ugu yar dhamaantood inkastoo ay tahay midda ugu dakhliga badan (oo sidoo kale u nugul isbeddelka cimillada). Intaa waxaa dheer, Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta oo ay ku jirto Hay’ada Isgaarsiinta Qaranka ($3.8 malyan), Ganacsiga iyo Warshadaha ($2 malyan), Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska ($1.2 malyan), Gaadiidka iyo Duulista Hawada ($3.1 malyan), iyo Dakadaha ($2.3 malyan) looma qoondeeynin miisaaniyad ku filan.

Inkastoo $70 malyan lagu kordhiyey miisaanidda sanadkan, qoondada hay’adaha hormarinta dhaqaalaha looma kordhin saami u dhigma kororka miisaaniyadda. Haddi ay dowladdu dhab ka tahay in ay sare u qaaddo dakhliga gudaha, waa in ay ahmiyad siisaa hormarinta dhaqaalaha. In la maalgaliyo hay’adaha dhaqaalaha waxa ay abuureysaa jawi ku haboon shaqo abuuris, waxana ay u kordineysaa dakhliga gudaha maadaama ay dowladdy awood u heli doonto in ay canshuur kasoo aruuriso dadka shaqeeya iyo ganacsiga.

Mustaqbalka

Inkastoo miisaaniyad yar loo qoondeeyay hay’adaha garsoorka, adeegyada bulshada iyo hormarinta dhaqaalaha, xaqiiqda ah in sanad waliba ay miisaaniyaddu kordheyso ayaa dhiirigelin ah. Muddo toddobo sano ah gudahood, $230 malyan ayaa ku korortay miisaaniyadda sanadlaha ah ee dowladda ($114 malyan sanadkii 2013; $118 malyan sanadkii 2014; $135 malyan sanadkii 2015; $171 malyan sanadkii 2016; $260 malyan sanadkii 2017; $274 malyan sanadkii 2018; iyo $344 malyan sanadkii 2019). Waa hormar muuqda inkastoo ay jiraan caqabado badan.

Iyadoo ay taasi jirto, haddana miisaaniyaddii sanadkii hore ee hay’adaha dowladda waa in aysan noqon cabirka kaliya ee loo isticmaalo qoondada miisaaniyada. Qorsheynta maaliyadda waa in ay ku saleysnaataa baahida shacabka. In la helo cadaalad, adeegyo bulsho iyo nolol maalmeed waa waxyaalaha mudnaanta u leh shacabka. In la maalgeliyo qeybahan ma hormarineyso kaliya xaaladaha dhaqaale iyo bulsho, waxa ay sidoo kale sare u qaadeysaa sharciyadda dowladda iyo kalsoonida shacabka.

0 replies

Leave a Reply

Want to join the discussion?
Feel free to contribute!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *