Ma yahay nidaamka xisbiyada badani mid xasilooni siyaasadeed u horseedi kara Soomaaliya?

Soomaaliya waxaa dib uga curanaya nidaamka xisbiyada badan kuwaa oo kamaqnaa saaxadda siyaasadeed ku dhowaad konton sano (50 sano) kadib afganbigii uu Jeneeral Maxamed Siyaad Barre hormuudka ka ahaa oo ay militariga hoggaanka dalka kula wareegeen sanadkii 1969-kii. Afganbigaas wuxuu soo afjaray nimaadkii xisbiyada badanaa oo ka bullaalay gayiga Soomaaliya lagasoo bilaabo 1940-aadkii gundhigna u ahaa siyaasadii sagaalkii sano ee xoriyadda ka danbeysay. Dadka qaar waxa ay u arkaan sagaalkaas sano xiligii dimuqraadiyadda halka kuwa kalana u arkaan xili musuq iyo dhaqan xumo ku habsatay wadanka.

Dib-u-curashada xisbiyada siyaasadeed waxay imaaneysa xilli uu wadanku kasoo kabsanaayo dagaal uurdoox ah oo daba dheeraday, hoggaamiye kooxeednimo, Islaamiyiin xag jir ah, sharci la’aan baahday iyo nidaam la’aan. Soomaaliya waxay kasoo baxday hannaankii kumeelgaarka ahaa iyadoo u gudubtay hannaan aan kumeelgaar ahayn oo heysta aqoonsiga caalaamka. Xisbiyada siyaasadeedna waxaa la doonaayaa in looga tillaabsado xeer jajabka ragaaday ee 4.5 kaasoo ah hab awood qeybsi ku dhisan qabiil lana bilaabay sanadkii 2000 intii uu socday shirkii Carta ee Jabuuti looguna beddalo doorashooyin hal qof hal cod ee lafilayo in ay qabsooman  sanadka 2020-ka. Haddii ay u qabsoonto sida qorshuhu yahay, waxa ay doorashooyinka siin doonaan muwaadiniinta xaqa codeynta oo ay u dambeysay sanadkii 1969-kii.

Jiritaanka iyo kaalinta mugga leh oo ay xisbiyadu ku leeyihiin nidaamka siyaasiga ah waxay tilmaan u tahay biseylka, ilbaxnimada iyo dulqaadka shacabka iyo siyaasiyiintu leeyihiin. Siyaasadda ku dhisan xisbiyada waa sumad dowladaha casrigaani ku tilmaaman yihiin islamarkaana waxaa loo arkaa   lafdhabarka matalaadda shacabka, kobaca dhaqaalaha iyo horumarka bulshada.

Xisbiyada siyaasaddu waxay ahmiyad weyn ku leeyihiin isku xirka maamulka dowladeed iyo shacabka. Waxay gacan ka geystaan iney ku biiriyaan muwaadinininta nidaamka siyaasiga, ka dhigaan muwadiniinta kuwo xog-ogaal u ah siyaasadda, waxayna xisaabiyaan waxqabadka siyaasiyiinta iyadoo loo maraayo tartanka u dhexeeya xisbiga gudihiisa iyo kan u dhaxeeya xisbiyada sidoo kalana waxay qabtaan howlo lagama maarmaan u ah dowladaha casriga ah.

Taariikh kooban ee xisbiyada Soomaaliya

Soomaaliya si la mid ah Afrika inteeda kale waxay lahayd siyaasadda xisbiyada badan kudhisan taa oo kasoo unkatay dhaqdhaqaaqyadii qaran-doonka ahaa. Dhaqadhaqaaqyadaasi waxay halgan u galeen sidii heeryadii gumeystayaasha reer Yurub la iskaga ridi lahaa. Kuwaa waxaa kamid ahaa xisbigii caanka ahaa ee SYL kana jiray qeyta koofureed ee Talyaanigu gumeysanayay iyo xisbiga kale oo lagu magacaabo Xisbiga Qaranka Soomaaliyeed ama SNL ee ka shaqeynayay Maxmiyadda Ingriiska ee Somaliland.

Dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Soomaaliya waxay kasoo bilaabmeen ururo bulsho kuwaasoo markii hore ka hanaqaaday Maxamiyadda Ingriiska ee Somaliland sanadihii 1920-aadkii, kadibna waxay si tartiib ah ugu fideen dhulka Talyaanigu gumeysanayay. Ururadaas bulsho waxay hiigsanayeen sare-u-qaadidda aqoonta iyo wanaajinta nolosha dadka deegaanka, ujeedooyinkaas oo gumeystayaashu aanay dhabtii u arag kuwo halis ku ah maamulkooda kadeedka iyo jajuubka ku dhisnaa.

Muddo kadib, ururradaasi waxay isku badaleen kuwo siyaasadeed kadib markii ay dhiirrigelin ka heleen Maamulkii Milateriga Ingriiska oo xilligaa gacanta ku hayay gabi ahaan dhulka Soomaalidu dagto marka laga reebo Jabuuti, kadib guul darradii uu Talyaanigu kala kulmay dagaalkii labaad ee adduunka. Talyaanigu wuu ku gacan seyray inuu xaqaa u oggolaado dadka uu gumeysanayay cabsi uu ka qabay inuu wajaho iska cabin dadweyne awgeed.

Inkastoo tillabadan lagu tilmaamay fursad qaali ah oo soo martay Soomaalida ku hoos noolaa maamulkii gumeystaha ee duleysiga ku saleysnaa, haddana siyaasadii furfurnaashaha Maamulka Milateriga Ingriiska ma ahayn mid looga gol-lahaa in gobonimo lagaaro. Taa baddelkeeda waxay kusoo rogeen ururradaa tilaabooyin lagu hubsanaayo ineysan ka bixin xeyndaabka maamulka gumesytuhu sameystay.

Saameynta Qabiil

Xisbiyada siyaasadeed waxaa ka mid ahaa Xisbiga Dhalinyarada Soomaaliyeed loona soo gaabiyo SYL iyo Hisbiya Dastuur Mustaqil. Dabeecadda xisbiyada la sameyay xilligaa iyo ka gadaalba waxay ka tarjumeysay kala qeybsanaanta weyn ee u dhaxeysa dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dhanka qabiilka. Tani waxay lamid ahayd dhaqdhaqaaqyada qaran-doonka ahaa ee ka jiray Afrika inteeda kale oo ku saleysnaa qowmiyad ama qabiil.

Waxaa xusid mudan in xisbiga SYL uu ahaa xisbiga kaliya ee lahaa hiigsi qaran marka la eego Soomaalidii deganayd dhulka uu ka talinayay Talyaniga. Xisbigaa taageeradiisa ugu badan wuxuu ka helayay qabaa’ilka Hawiye iyo Daarood ee koofurta Soomaaliya kuwaa oo isku baddeli jiray hoggaanka xisbiga. Xisbiyada kale waxay ahayeen urur qabiil, jufo ama kuwo magac-u-yaal ah oo u jira iney u adeegaan danaha dowladaha shisheeye. Arinkaan wuxuu dabray dadaalladii ku aaddanaa in si dhameystiran gumeystaha looga xoroobo.

Nidaamka xisbiyada badani uma sahlin Soomaaliya iney ka tilaabsato u adeegidda danaha qabiilka ama in awoodda laysugu geeyo danta guud ee ka dhaxeysa dhammaan Soomaalida, balse waxaa ay sii xoojisay qabyaaladdii. Xisbiyadu waxay ahaayeen aalad gumeystaha dabin-daabyo badani u isticmaalo si qabaa’ilka laysaga horkeeno waxayna wiiqday xasiloonidii dalka.

Geeridii Xisbiyada Siyaasadeed

Kontomeeyadii iyo lixdameeyadii xisbiyadu waxay kaalin ku lahaayeen xasilooni darrada iyo kala qeybinta bulshada Soomaaliyeed. Waxay xannibeen kobicii dimuqraadiyaddii curdunka ahayd ee Soomaaliya. Isqabqabsi joogta ah ayaa dhaxmaray xisbiyada. Sidoo kale qabaa’ilku waxay isku khilaafeen awood qeybsiga. Waxay sameeyeen abaabul iyo kicin qabiil si ay u gaaraan dano siyaasadeed, sidoo kale waxay xumeeyeen hannaankii doorashada iyagoo isticmaalay ku shubasho iyo cabsi gelin. Waxaa jiray xubno si joogto ah xisbiyadan uga soo go’aayay si ay ugu biiraan xisbiga SYL ee talada hayay, qaar badanna waxa ay sameeyn jireen xisbiyo qabiil markii doorasho soo dhawaato.

Xummaantii uu lahaa nidaamkaas waxay keentay ugu danbeyn burburkii xisbiyada badnaa ee Soomaaliya horey loogu garanayay. Arintaan ayaa timid kadib doorashadi ugu danbeysay ee 1969 -kii taasoo ay  ka qeyb galeen in ka badan 62 xisbi qabiil oo soo gudbiyay ku dhowaad 1002 musharax xildhibaan oo u tratamayay 123-da kursi ee barlamaanka.

Xisbigii SYL oo ugu xooggana ayaa ku guuleystay doorashooyinka isagoo ku helay inta ugu badan kuraasta baarlamaanka si aan xalaal ahayn, sidoo kalena guntiga gashtay xubnihii mucaraadka ahaa taasoo wadanka u jiheysay nidaamka hal xisbi.

Niyad-jabkii ka dhashay nidaamkii xisbiyada badnaa wuxu horseeday dilkii madaxweyne Cabdirashid Cali Sharmaarke 15-kii Oktoobar sanadkii 1969kii, waxaana xigay afganbi ay sameeyeen ciidamadii militariga shan maalin kadib dilkii madaxweynaha. Wixii markaa ka danbeeyay dalka wuxuu gacanta u galay xukunkii kali-taliska ahaa ee Maxamamed Siyaad Barre oo wadanka ku maamulayay gacan bir ah muddo dhan 21 sano. Tanina waa masiirkii ay xisbyada badani dhaxal siiyeen dalka.

Konton sano kadib: dib-usoo-cusboonaanshaha siyaasadda xibiyada ku dhisan

Konton sano kadib ururo siyaasadeed ayaa bilaabay dadaallo lagu doonaayo in looga guuro siyaasadda qabiilka ku dhisan ee dhibaateysay dalka lagasoo bilaabo burburkii dowladda. Dib-usoo-noolaanshaha nidaamka xisbiyada badani wuxuu bilowday kadib markii la sameeyay Guddiga Madaxa-banannaan ee Doorshooyinka Qaranka iyo meelmarintii baarlamaanka 7-da bishii Juulaay 2016 ee xeerka sida weyn loo sugayay ee xisbiyada, inkastoo ururo siyaasadeed ay jireen ka hor inta aan la sameynin xeerka xisbiyada.

Xisbiyada cusub iyo kuwii hore ayaa waxaa hesyta dhibatooyin isku-eg. Waxa aanay lahayn waxyaabihihi lagama maarmaarnka u ahaa xisbiyada sida aragti hoggaamisa, dhisme maamul, waayo aragnimo iyo awoodda iney matalaan muwaadiniinta iyadoo loo eegin heybta qabiil.

Xisbiyada cusub ayaa ku dhex sameysmaya xaalad ka duwan tii hore. Wadanku wuxuu galay colaad daba dheeraatay, is-aaminaaddii bulsho wey luntay, goboleysigu circa ayuu isku shareeray, koox diimeednimaduna waxa ay noqotay dhabbaha lagu helo faa’iido siyaasadeed sidoo kalana qabyaaladu wey ka xooggan tahay sidii hore.

Intaa waxaa dheer, ma ahan kuwo u qalma heerka xisbiyo siyaasadeed, waayo waa kuwo ku tiirsan aasaasaha/aasaasayaasha, malahan xafiisyo ka baxsan caasimadda, malahan ilo maalgelin oo la isku haleyn karo iyo awood maamul. Ma ahan kuwo ku firfircoon hannaanka doorashada, mana la arko doorashadu marka ay dhamaato.

Hadda tirada xisbiyda ka helay Guddiga Madaxa-banaan ee Dooradashooyinka shahaadada aqoonsiga waxay dhaafayaan labaatan, kuwo kalana waxay sugayaan in la aqoonsado iyagoo soo dhameystirin shuruudihii ku jiray xeerka xisbiyada.

Haddi tiradu sidan ku socoto iyadoo la xakameyn waxay ifafaalo u tahay in wadanku dib ugu laaban karo tijaabadii guuldareysatay ee 1960-meeyadii islamarkaana horseedi karta iska-hor-imaad ka qaraar wixii aynu soo marnay.

Seddex Xisbi siyaasadeed: Ma xal ma u tahay Soomaaliya?

Iyadoo laga duulayo waayihii siyaasadeed ee hore iyo tan aynu joogno ee fowdada ah, doodeydu waxay tahay in qaadashada nidaamka xisbiyada badani uusan ahayn mid xiligan haboon mana dhayayo boogihii hore.

Waxaan soo jeedinaya in laqaato nidaam xisbiyo xaddidan oo ku koobaaya  tirada xisbiyad ilaa saddex xisbi qarameed oo leh aragti iyo barnaamijyo siyaasadeed ee kala duwan, sidoo kalana si weyn u matalaaya dhammaan Soomaalida.

Tani kama dhigna in saaxadda siyaasadeed u bannaan tahay saddex xisbi oo kaliya balse kuwa kale waa ay jirayaaan iyagoo wata magaca ururo siyaasadeed, oo ah heer ka hooseeya xisbiyada.

Nidaamka saddexda xisbi waxaa lagu gaari karaa iyadoo loo maraayo wax-ka-beddel lagu sameeeyo xeerka xisbiyada gaar agaan qodobada quseeya shuruudaha diiwangelinta xisbiyada. Shuruudo dheeri ah waa in lagu daraa si loo adkeeyo sameynta xisbiyo siyaasadeed sidoo kalana in la sameeyo saami boqolleey ah oo ay tahay inuu urur siyaasadeed kasta ka helo doorashada dowladaha hoose ee ka horreeya tan baarlamaanka.

Saddexda xisbi ee ugu waaweyn dalka ee hela boqoleydii la rabay waxaa loo aqoonsanayaa xisbiyo qaran muddo 15 sano ah inta laga qabanayo tartan kale oo lagu kala saarayo ururrada siyaasadeed ee loo aqoonsan karo xisbiyo heer qaran kadibna u tartami kara doorashooyinka baarlamaanka.

Waxan ku rajaweynahay in nidaamkaani uu yareyn doono qabyaaladda kuna qasbi doono siyaasiyiinta horey ugu kala qeybsanaa qabiilka in la abuuro isfaham loo-dhan-yahay iyo in la isku yidaamo si loo gaaro wax ay adkaan lahayd in la gaaro hannaankan la’aantiis. Hannaanka xisbiyada Soomaalilaand ee ku salaysan saddexda xisbi wuxuu tilmaan u yahay in nidaamkani Soomaaliya lagu dhaqi karo. Arintaan waxaa loo arkaa inay tahay mid ilaa xad guul ah islamarkaana waxay ina siineysaa tusaale ah in uu yahay nidaam ka hirgali kara Soomaaliya oo ah bulsho qabiil ku saleysan.

Ugu danbeyn, guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka waa inay soo saaraan shuruudo lagu hubsanaayo xisbiyadu iney u hoggaansamaan xeerka xisbiyada aysanna baahin hadallo lagu doonayo in lagu helo magac iyo taageero balse dhib ku noqon kara midnimada qarameed.

Sidoo kale, xisbiyada siyaasadeed iyo hoggaankooduba waa in ay la yimaadaan aragti fog iyo fikrado hal abuur leh si loo kobciyo wacyiga mudawaadiniinta. Waa in ay danta guud ka hormariyaan tan gaar ka ah ee gaaban, keenaan isfaham guud sidoo kalana waa in ay kahor yimaadaan hadalkasta oo keeni kara inuu soo kiciyo xasuustii hore ee colaadda taa oo wali ku xooggan dadweynaha.

Farxaan Isaaq Yuusuf waxa uu ka yahay Jaamacadda Muqdisho bare iyo madaxa qeybta culuumta siyaasadda ee kulliyadda siyasadda iyo maamulka.

0 replies

Leave a Reply

Want to join the discussion?
Feel free to contribute!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *