Haddii aad fursad u hesho in aad booqato magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya, waxa aad arkeysaa magaalooyinka oo sii fidaya, ganacsiyada yaryar oo aad usoo badanaya, shanqarta goobo cusub oo la dhisayo, iyo horumarro kale oo badan.

Haygeysa, Muqdisho iyo Boosaaso ayaa tusaalooyin fiican u ah magaalooyinkan. Inkastoo nidaamyada maamul ee ka jira magaalooyinkan ay midba midka kale ka duwan tahay – tusaale ahaan Hargeysa waxa maamula gole deegaan oo ku yimid doorasho qof iyo cod ah, Boosaaso waxa maamula gole deegaan oo ku yimid nidaam awood qeybsi ku sameysan beelo, Muqdishana weli maqaamkeeda lama qeexin –, haddana saddexdan magaalo waxa ka jira dowlado hoose oo  kaalin ka qaata in ay shacabku helaan adeegyada dowladda ee aasaasiga ah sida amniga, nadaafadda iyo diiwaangelinta muwaadinka.

Horumarradan ma ahan kaliya guulo wanaagsan ee uu ku tallaabsanayo dal kasoo kabanaya dagaallo sokeeye, balse waxa ay sidoo kale tusaale u tahay sida dowlad dhisidda kasoo bilaabata heerka dowladaha hoose ay uga shaqeyn karto dal ku jira xaalad adag.

Taariikhda dowladaha hoose ee Soomaaliya

Dastuurkii Soomaaliya ee 1961-dii waxa uu farayay in shaqada maamulka loo daadajiyo degmooyinka lana sameeyo golayaal degmo ee lasoo doortay.

Sida uu US Library of Congress ku ogaaday cilmibaaris uu Soomaaliya ka sameeyay, in awoodaha maamul loo daadajiyo dowladaha hoose waxa ay si dhab ah u dhaqan gashay kadib dikreeto uu Madaxweyne Siyaad Barre soo saaray sanadkii 1969-kii. Dikreetada waxa lagu sheegay in xukunka militariga uu dib-u-habeyn ku sameynayo dowladaha hoose dalkana laga dhigayo ilaa lix iyo toban islamarkaana uu gobol kasta yeelanayo 3-6 degmo. Gobolka Banaadir waxa ay xaaladdiisu ahayd mid ka duwan gobollada kale.

Dowladaha hoose waxa maamulkooda loo dhiibay gudoomiyayaal gobol. Madaxda degmooyinka iyo gobollada oo intooda badan lagasoo xuli jiray ciidanka difaaca iyo boolika waxa soo magacaabi jiray dowladda dhexe. Arrinkan waxa ka dhashay in madaxda maamullada degmooyinka ay si toos ah u hoos tagaan Muqdisho.

Dhammaan heerarka kala duwan ee shaqaalaha dowladaha hoose waxa soo magacaabi jiray guddiga shaqaalaha rayidka. Golayaasha deegaanka waxa loo oggolaa in ay qorsheeyaan mashaariicda, canshuurta degmooyinka soo uruuriyaan, lacagana amaahdaan (kadib marka ay xukuumadda ansixiso) si ay u hirgeliyaan mashaariic horumarineed.

Waxa lagu doodi karaa hab maamulka ku saleysnaa in awoodda lagu uruuriyo dowladda dhexe oo ay dowladdii militariga sameysay in aanay fursad siinin daadajinta awoodaha. Dhab ahaan, in awoodda lagu uruuriyo dowladda dhexe waxa ay kamid ahayd sababaha keenay in taliskii militariga la rido.

Dowladaha hoose burburkii kadib

Mid kamid ah natiijooyinkii ka dhashay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxa ay ahayd in haykalkii maamul uu gebi ahaanba burburay. Inkastoo sanado badan uu dalku ahaa dowlad la’aan, haddana xaaladaha dalka si tartiib ah ayay usoo hagaageysay. Dowladnimada ka hana qaadday dalka burburkii kadib waxa ay noqotay mid ku saleysan nidaam federaal oo leh saddex heer ee dowladeed oo kala ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamul Goboleedyada, iyo dowlado hoose.

Dastuurka kumeelgaarka Soomaaliya gaar ahaan qodobka 48-aad waxa uu qeexayaa in uu dalku yeelanayo dowlado heerar kala duwan ah. Balse masuuliyadaha iyo waajibaadka heerarkaas dowladeed, awoodaha sharci oo ay kala leeyihiin, sida loo nidaaminayo xiriirka iskaashi ee u dhexeeya heerarka kala duwan ee dowladda, iyo nidaaminta canshuuraha waxa ay qeyb ka yihiin hannaanka dib-u-eegista dastuurka welina lama kala caddeynin. Hardanka awood ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada waa mid muuqda.

Xaaladdan ayaana keentay in heerka dowladeed ee la iska iloobay ee ah dowladaha hoose ay soo ifbaxaan iyaga oo sameynaya horumarro badan xalna u raadinaya caqabadaha ka dhashay tabardarrida dowladaha hoose iyo in shacabka la gaarsiiyo adeegyada dowladda. Waxa tusaale loosoo qaadan karaa qaar kamid ah degmooyinka ku yaalla Soomaaliland iyo Puntland kuwaasoo muujinaya ififaalo wanaagsan ee ku aaddan in adeegyada dowladda la gaarsiiyo shacabka, xoojinta dimoqraadiyadda iyo nabadeynta iyaga oo isticmaalaya nidaam maamul oo ay ku heshiiyeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Maqaal uu cinwaan uga dhigay haddii ay duq magaalayaal maamuli lahaayeen Soomaaliya, Prof. Ken Menkhaus waxa uu ku dooday in ay deeq bixiyayaasha caalamka ee taageera Soomaaliya maalgeliyaan dowladaha hoose, sababtana waxa uu ku sheegay in ay yihiin kuwo aanay dagaalladdi sokeeye aad u saameynin; shacabka aad ugu dhaw; dakhli badan soo xareyn kara; bulshadana si cadaalad ah u gaarsiin kara adeegyada dowladda.

Mustaqbalka

Si hay’adaha dowladda u noqdaan kuwo ay shacabku aaminaan kalsoonina ku qabaan, dowladda Soomaaliya iyo taageerayaasheeda caalamka waa in ay ka jawaabaan baahida shacabka ee dhinacyada jiheynta siyaasadda iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah. Maamullada hoose waxa ay noqon karaan buundo isku xerta in shacabka la gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah wakhtiga dhaw iyo qorshaha dowlad dhisidda wakhtiga fog.

Sidoo kale, maalgelinta dowladaha hoose waxa ay abuuri doontaa in dadka Soomaaliyeed yeeshaan cod iyo awood maadaama ay dhiirrigelineyso ka-qeyb-qaadasho, isla xisaabtan, iyo iska warqab u dhexeeya dowladda iyo shacabka. Arrinkanna waxa uu abuuri doonaa tixgelinta sarreynta sharciga, dib-u-heshiisiinta bulshada, dib-u-dhis, horumar, iyo tayeynta adeegyada ay helaan shacabka. Maamullo hoose ee loo dhan yahay lalana xisaabtamo waxa ay siin doonaan muwaadiniinta fursad ay kula gorgortamaan dadka metela. Hannaankan waxa uu mideynayaa nidaamyada maamul ee hoos ka yimaada iyo kan kor ka yimaada (bottom-up and top-down approaches); waxa ayna Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada yeelanayaan kaalinta hoggaan iyo fududeyn, shacabkana waxa uu helayaa adeegyada uu u baahan yahay iyaga oo la xisaabtamaya maamullada deegaankooda.

Dhab ahaan, arrinkan waa mid caqabado badan leh, waxa uuna u baahan yahay qorshe wakhtiga fog ah ee ku saleysan in loo dhan yahay, la aqbalo, lagalana xaajoodo daneeyayaasha kala duwan. Talooyinka soo socda ayaa sahli kara in lagu guuleysto:

  • Dhiirrigelinta sida ay wax u xalliyaan dadka deegaanka: Inkastoo isticmaalka ‘hababka ugu fiican’ ay caawin karto dejinta qorshaha dowladda gaar ahaan marka la rabo in lagu tijaabiyo xaalado cakiran, haddana ‘hababka ugu fiican’ markasta ma keenaan xal waara. Soomaaliya waxa ay tusaale fiican u tahay arrinkan. Aragtiyada guuleysta waxa ay inta badan ka dhashaan wadahadal xiriir ah, aqbalaad, tijaabin, iyo wax ka beddel ku saleysan xaaladda deegaanka. Si loo abuuro loona dhiirrigeliyo fahamka deegaanka, madal aqoon kororsi ayaa la sameyn karaa taasoo isku keenta dowladda, ganacsiyada gaarka loo leeyahay, iyo bulshada rayidka. Madasha waxa ay abuureysaa fursad lagu barto sida ugu fiican ee lagu hormarin karo deegaanka iyo kaalinta ay dowladaha hoose ku yeelanayaan fududeynta horumarinta deegaanka. In la qoro lana keydiyo aqoonta iyo fahamka dadka deegaanka aad ayay muhiim u tahay. Tusaalooyinka guuleystay ee laga baran karo qaar kamid ah degmooyinka ku yaalla Soomaaliland iyo Puntland waa in la xoojiyaa waxna lagu dul dhisaa, islamarkaana lagu tijaabiyaa degmooyinka kale ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
  • In mudnaan la siiyo dejinta sharciyada muhiimka ah: In aanay jirin sharciyo kala qeexa awoodaha iyo xiriirka u dhexeeya heerarka kala duwan ee dowladda ayaa inta badan xagal daaciya dowlad dhisidda Soomaaliya. Hannaanka dib-u-eegista dastuurka ee socoda waxa uu aasaas fiican u noqon karaa kala caddeynta masuuliyadaha iyo awoodaha ay kala leeyihiin dowladaha heer qaran, heer gobol iyo heer dowlado hoose, xiriirka maaliyadeed ee u dhexeeya heerarka dowladda iyo gaarsiinta adeegyada dowladda. Sidoo kale, maamul goboleedyada waxa ay sameyn karaan sharciyo la xiriira horumarinta dowladaha hoose, kuwaasoo waafaqsan shuruucda qaran ee horumarinka dalka.
  • Nidaamka Shaqaalaha: Sanad kasta kumannaan dhalinyaro u badan ayaa kasoo baxda jaamacadaha dalka. Qaar yar ayaa ku biira ururada aan dowliga ahayn, hay’adaha Qaramada Midoobay, ganacsiyada gaarka loo leeyahay ama dowladda, balse inta badan dhalinyaradaas ma helaan shaqo. Dowladaha hoose waxa ay soo jiidan karaan maskaxda aqoon-yahannada. Balse waxa uu arrinkan u baahan yahay qorshe guud ee nidaamiya shaqaalaha, kaasoo dhiirrigelinaya shaqo qoris ku saleysan cadaalad, abaalmarin, iyo qiimeynta shaqaalaha ugu waxqabadka fiican.
  • Guulo deg-deg ah ama hiigsi fog: Bixinta adeegyada bulshada sida caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada waxa ay noqon karaan habab si deg-deg ah bulshada wax loogu qabto laguna abuuro kalsooni u dhexeysa muwaadiniinta iyo dowladda. Balse, hannaanka dib-u-dhiska iyo xoojinta maamulka waxa uu qaataa wakhti fog. Dowladaha hoose waa in la xoojiyaa iyada oo la dhisayo nidaam taageeraya in si cadaalad ah adeegyada bulshada loo gaarsiiyo shacabka. Waxa ay qaadan kartaa wakhti badan balse waxa ay keeni doontaa natiijo waarta wakhtiga fog.

Ugu danbeyn, waa in aan maskaxda ku heynaa in dowladdu tahay nidaam isku xeran oo ay mideyso ujeeddo guud taasoo hal heer oo katirsan dowladda haddii uu daciifo ay saameyneyso heerarka kale oo dhan. Waa la joogaa wakhtigii mashaariicda horumarinta loosoo weecin lahaa dowladaha hoose, si loo gaaro dadka ugu baahida badan.

Cabdiwahaab M Cali waa khabiir arrimaha horumarinta. Falanqeyntan waxa ay qeyb ka ahayd buuggiisa qalin-jebinta ee uu cinwaankiisu ahaa “xiriirka ka dhexeeya dowlad-dhisidda iyo gaarsiinta adeegyada bulshada ee dowladaha jilicsan, eegid xaaladda Soomaaliya”,  Future Generation Graduate school, Franklin, WV, USA.