NGO ka dhigista hay’adaha danta guud ee Soomaaliya

Xubno matirsan Somali Public Agenda ayaa lagu casumay in ay ka qeyb qaataan madal isku keentay bulshada rayidka, dowladda iyo qeybaha kale ee bulshada si ay uga doodaan arrimaha cakiran ee dalka. Kulanka waxa ku casumnaa in uu ka hadlo xubin sare oo katirsan dowladda.

Madasha si heer sare ah ayaa loo qaban-qaabiyay, ka qeyb galayaashana su’aalo adag ayay weydiiyeen masuulka. Balse, halka arrin ee noosoo baxday ayaa ahayd in masuulka dowladda katirsan ay jawaabihiisa ka buuxeen erayo ay inta badan isticmaalaan NGO-yada sida ‘indicators’, ‘roadmaps’, ‘capacity building’, ‘focal points’ iyo kuwo kale oo lamid ah. Waa erayo aan sanado badan soo maqleynay waxana ay hadda noqdeen erayo la adeegsado marka dood iyo falanqeyn Soomaali ah xitaa la sameynayo. Waa arrin walaaceeda leh.

Hannaanka NGO ka dhigista

Dagaalladii sokeeye ee ragaadiyay Soomaaliya waxa ay burburiyeen hay’adihii dowladda iyo nidaamkii jiray. Soomaali badan oo xirfad iyo aqoon shaqo lahaa khibradna u lahaa maareynta hay’adaha dowladda waa ay ka carareen dalka. Muddooyinkii dambe, xilalka dowladda waxa inta badan buuxinayay qurbejoog soo laabatay ama howlwadeenno NGO-yada katirsanaa.

NGO-yada, si lamid ah ganacsiyada gaarka loo leeyahay, waxa ay buuxiyeen kaalintii dowladda oo meesha ka baxday. Waxa ay xoojiyeen codka shacabka waxana ay ilaa xad kaalin ka geysteen sare-u-qadista iyo hagaajinta nolosha bulshada. Kobaca NGO-yada waxa ay keentay in ay badato dooddaha la xiriirta saameynta dhabta ah oo ay ku leeyihiin nolosha dadka ay sheegaan in ay u adeegaan.

NGO-yada maanta waa nidaam caalami ah. Sababtuna waa mid ka dhalaay hannaanka Reer Galbeedka oo ku saleysan in gargaar biniaadamnimo badan la siiyo dalalka saboolka ah iyadoo kaalmadaas loo marsiinayo bulshada rayidka. Soomaaliya waxa ay tusaale u tahay hannaankan sababtoo ah hay’adihii dowladda ayaa ahaa kuwo aanan jirin ama aad u tabar daran.

Howlwadeennadii NGO-yada oo noqday shaqaale dowladeed waxa ay keentay in ay isku ekaadaan tayada iyo anshaxa shaqada NGO-yada iyo dowladda. Waxaa sidoo kale ka dhashay in qaababka loo maareeyo NGO-yada la keeno hay’adihii dowladda: sida in xafiisyadii dowladda laga dhigo shaqadooda kuwo mashruuc ku saleysan, ka fikirka muddada dhaw kaliya, iyo in deeq bixiyayaasha la xisaabtamaan.

Mid kamid ah qoraalladeeda ugu caansan ‘the NGO-ization of resistance’, qoraaga Hindiga ah ee Arundhati Roy waxa ay tiri: “NGO-yada waxa ay sameeyaan xeyndaab u dhexeeya dowladda iyo shacabka. Xeyndaab u dhexeeya Boqortooyada iyo cidda ay u adeegto. Waxa ay noqdeen dhexdhexaadiyayaal, turjubaan, iyo fududeeyayaal”. NGO-yada oo inta badan lacagaha ay ku shaqeeyaan ka hela dalalka deeqaha bixiya waxa ay shaqaaleysiiyaan dad dalka joogo oo laga yaabo in ay qeyb ka noqon lahaayeen kacdoon iskacaabbin ama noqon lahaayeen shaqaale dowladeed, oo dareemaya in ay mushaar fiican oo degdeg ah ka helayaan la shaqeynta NGO-yada.

Dhibaatada NGO-yada waa in ay shaqadooda ku saleysan tahay male-awaal iyo odoros ay sameeyaan dadka ka faa’ideysta gargaarka una shaqeeya sida ay dowladaha Reer Galbeedka iyo hay’adaha gargaarka doonayaan. Waxa ay abuureysaa ku tiirsanaan, waxana ay dileysaa niyadda howlwadeennada dowladda ee mustaqbalka. Tani ma keeni karto isbeddellada aasaasiga ah oo ay bulshadu u baahan tahay in ay gaarto. Kama hadli karno kacdoon, isbeddel, iyo dib-u-habeyn inta aan ka aamusannahay dhibaatada weyn ee ka dhalatay NGO ka dhigista howlaha qaranka.

Jibinta wareegga

NGO-yada, ganacsiyada gaarka loo leeyahay iyo dowladda waxa ay leeyihiin hannaan maamul oo kala duwan, mid kastana waxa uu leeyahay ujeedooyin iyo hadafyo gaar ah. Inkastoo dadka ay go’aansan karaan in ay dowladda kasoo baxaan oo ay hay’adaha aan macaash-doonka ahayn ka shaqeeyaan, howlaha dowladda iyo NGO-yada iskuma qasmaan. In aad tahay shaqaale dowladeed micnaheedu waxa ay tahay in aad danta guud ka dhigto mid ka sarreysa danta shakhsiyadeed oo kuu gaarka ah.

Intaa waxaa dheer, dowladda waa nidaam isku xeran oo u adeega danta guud, sida loo maareeyo hay’adaha danta guudna waxa ay kaalin muhiim ah ka ciyaartaa tayada shaqada dowladda. Waxa ay laf-dhabar u tahay qorsheynta, maareynta, hirgelinta iyo qiimeynta siyaasadaha iyo barnaamijyada dowladda.

Sanadihii dambe, hal-abuurro dhowr ah oo xoojinaya dib-usoo-nooleynta maamulka hay’adaha dowladda ayaa la hirgeliyay. Inkastoo hal-abuurradan ay keeneen horumar si guud, haddana dadaalladan sooma aanay celin kalsoonida lagu qabo hay’adaha dowladda.

Waa nooc lagu tilmaami karo ‘isomorphic mimicry’ oo ah in ay dowladda iska dhigto mid shaqeyneysa laakiin dhab ahaan rabta in ay sidaas muujiso si ay u hesho kaalmada dibadda iyada oo aanan bulshada siineynin adeegyadii ay u baahnaayeen. Waa xaqiiq jirta oo ay Soomaaliya shirqool ahaan ugu jirtay tan iyo burburkii xukunkii Siyaad Barre.

Waxa aan u baahannahay in aan dhaqankaas beddelno. Arrinkanna ma ahan howl fudud; waxa ay u baahan tahay hoggaan ay ka go’an tahay iyo sidoo kale in la beddelo aragtida iyo hab-dhaqabka dadka. Sikastaba ha noqotee, inta wakhtigaas laga gaarayo waa in aan xoogga saarnaa dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo tayadooda iyadoo loo marayo maalgelinta jiilka mustaqbalka – oo lagu shaqaaleysiiyo si cadaalad ah, xeerar iyo nidaamna loo sameeyo qiimeynta waxqabadkooda, dallacsiintooda iyo faa’idada ay helayaan haddii ay si hufan u shaqeeyaan. Hannaankan waa in uu noqdaa mid ay leedahay islamarkaana maalgelisay Soomaalida. Waxa loo arki karaa riyo fog, balse sida ay dhahaan, dhammaan riyooyinka waa ansax.

Faallo uu qoray wargeyska The Economist ayaa mar cinwaan uga dhigay su’aal ah ‘Qofkasta ee joogo halkan ma waxa uu ku hadlaa NGOish’? Waxa aan rajeyneynaa in dadka u adeeyaga dalka ay bilaabaan in ay iska yareeyaan isticmaalka erayadan kana fogaadaan in ay hay’adaha dalka NGO ka dhigaan.

0 replies

Leave a Reply

Want to join the discussion?
Feel free to contribute!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *