Hababka nidaaminta garsoorka Soomaaliya

Midowgii gobolladii Ingiriiska iyo Talyaaniga ay gumeysan jireen ee sanadkii 1960-kii kadib, garsoorka Soomaaliya waxa uu wajahay caqabado dhanka isla-jaanqaadka ah. Sharciga Nidaaminta Garsoorka ee la ansixiyay sanadkii 1962-dii ayaa is-waafajiyay nidaamyada sharci ee Ingiriiska iyo Talyaaniga oo ay labada gobol horey u isticmaali jireen. Nidaam garsoor mideysan ah ayay ku dhaqmeen dowladihii rayidka iyo militariga ee dalka kasoo arrimiyay ilaa xukunkii laga riday dowladdii militariga sanadkii 1991.

Dhowr iyo toban sano oo aanay dowlad rasmi ah ka shaqeynin Soomaaliya kadib, nidaam federaal ayaa lasoo jeediyay in la qaato dhowr maamul goboleedna waa la sameeyay. Balse wali waxa aanan caddeyn heshiisna aan laga gaarin qaabka uu noqonayo garsoorka Soomaaliya.

Dastuurka kumeelgaarka ah waxa uu farayaa in la sameeyo saddex heer oo maxkamadeed ee kala ah Maxkamadda Dastuurka, maxkamadaha heer Dowladda Federaalka, iyo maxkamadaha heer Dowlad Goboleed. Qodobka 108 ee dastuurka kumeelgaarka ah waxa uu qeexayaa in dhammaan arrimaha la xiriira fasiraadda dastuurka ay awood u yeelan doonto Maxkamadda Dastuurka. Qodobada 109A iyo 111A ayaa siinaya Guddiga Adeegga Garsoorka heer federaal awoodda maamulidda Maxkamadda Dastuurka iyo maxkamadaha heer Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyadana awoodda maareynta maxkamadaha heer Maamul Goboleed.

Tirada iyo awoodaha maxkamadaha dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ma caddeynayo dastuurka kumeelgaarka. Tusaale ahaan, qodobka 109 (3) waxa uu farayaa in la sameeyo sharci nidaamiya xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeynayo maxkamadaha Dowladda Federaalka iyo maxkamadaha maamul goboleedyada. Sharcigan wali lama sameynin. Maxkamadda dastuurka iyo golaha adeegga garsoorka iyagana wali lama dhisin.

Iyadoo ay meesha ka maqan yihiin hay’adihii garsoor ee heer federaal, ayaa maamul goboleedyada waxa ay sameysteen maxkamado ay ku jirto maxkamadda sare, taasoo keeneysa jahwareer ku aaddan awoodaha ay leeyihiin maxkamadaha maamul goboleedyada. Gobolka Banaadir maqaamkiisa wali lama caddeynin. Maxkamadaha Muqdisho oo ku dhisan hannaanka maxkamadaha mideysan ma waafaqsana dastuurka kumeelgaarka ah.

Nidaamka garsoor ee ku habboon Soomaaliya waxa uu kamid yahay dhowr arrin oo aan wali xal looga gaarin hannaanka dib-u-eegista dastuurka. Guddiyada dib-u-eegista dastuurka waxa ay soo jeediyeen saddex xulaso oo kala ah garsoor mideysan, nidaam garsoor isku-dhaf ah, iyo mid isbarbar socda.

Xulashada koowaad: garsoor mideysan

Nooca garsoorka mideysan waxa uu mideynayaa garsoorka. Si ka duwan laamaha fulinta iyo sharci dejinta oo iyagu leh laamo heer federaal iyo heer maamul goboleed, garsoorka waxa uu ahaanayaa mid aanan awooddiisa la baahinin. Maxkamado mideysan ayaa lagu maamulayaa dalka oo dhan iyadoo aanan loo eegeynin xeyndaabka maamul ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Xulashadan waxa ay leedahay dhowr faa’ido. Kow, waxa ay yareyneysaa murannada ka dhalan kara awoodaha maxkamadaha. Marka la eego hardanka awoodeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ee arrimaha fulinta, garsoor mideysan waxa uu noqon karaa guul weyn. Labo, hannaanka garsoorka mideysan uma baahna dhaqaale badan maadaama aanu sameyneynin hay’ado cusub oo garsoor, waxa uuna la jaanqaadayaa awoodda dhaqaale ee dalka oo liidata. Saddex, maadaama Soomaaliya horey usoo isticmaashay nidaamkan, dowlad iyo shacab waxa ay garanayaan sida uu u shaqeeyo noocan garsoor. Waxa sidoo kale jirta dowlado federaal ah sida India iyo Belgium oo iyagu isticmaala nidaamka garsoorka mideysan.

Nooca garsoorka mideysan waxa uu sidoo kale leeyahay waxyaabo xaddidaya gaar ahaan marka la eego xaaladda Soomaaliya. Tan iyo burburkii dowladdii dhexe, is-aaminaadda iyo kalsoonida u dhexeeysa Soomaalida ku nool gobollo kala duwan ee dalka ku yaalla waa ay xumaatay. Is-aaminaad la’aanta ka dhalatay dagaalladii sokeeye ayaana dhab ahaan la dhihi karaa  waxa ay sababtay in nidaam federaal ah xal laga raadiyo. Qaar kamid ah maamul goboleedyada iyo hoggaankoodaba waxa ay kalsooni yar ku qabaan dowladda dhexe, waxana ay u badan tahay in ay shaki ka qabaan garsoor mideysan oo aanay saameyn toos ah ku yeelaneynin.

Xulashada labaad: nidaamka isku-dhafka ah

Nooca isku-dhafka ah waa hannaan hay’adaha garsoorka heer federal iyo heer maamul goboleed ay wada shaqeynayaan. Nooca isku-dhafka oo ay soo jeediyeen gudiyada dib-u-eegista dastuurka waxa uu meesha ka saarayaa in maamul goboleedyadu maxkamad sare yeeshaan sida uu farayo dastuurka kumeelgaarka ah. Guddigu waxa uu soo jeediyay in dowlad goboleedyadu yeeshaan maxkamad heer degmo, heer gobol iyo heer racfaan. Dowladda federaalka waxa ay maamuleysaa maxkamadda sare iyo maxkamadda dastuurka. Hannaankan garsoor waxa uu dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada siinayaa heerar awood oo kala duwan. Jarmalka iyo Kanada ayaa noocan garsoor isticmaala.

Nidaamkan isku-dhafka ah waxa uu leeyahay dhowr faaiido. Kow, awoodda garsoorka hoos ayaa loo daadajinayaa, dowlad waliba waxa ay yeelaneysaa awood garsoor oo ku eg xeyndaabkeeda maamul. Labo, waxaa jiraya wada shaqeyn iyo iskaashi u dhexeeya labada garsoor ee heer federal iyo heer maamul goboleed. Tusaale ahaan, haddii dacwad ay go’aan ka gaartay maxkamad racfaan ee heer maamul goboleed lagu qanci waayo, waxaa dacwadaasi loo gudbinayaa maxkamadda sare ee dalka.

Dhanka kale, noocan garsoor waxa uu leeyahay waxyaabo uu ku liito. Hardanka awood ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa suuragal ah in uu saamayn ku yeesho garsoorka. Inkastoo uu jiri doono golaha sare ee garsoorka kasoo maamuli doona dhammaan arrimaha garsoorka, hadana dowlad gobaleedyadu waxa ay saamayn toos ah ku yeelanayaan habsami-u-socodka shaqada maxkamadaha ku yaalla maamul goboleedyada. Tani waxa ay kaloo keeni kartaa kala duwanaasho dhanka aqoonta, khibaradda iyo ruqsad bixinta (qareennada iyo garsoorayaasha) maxkamadaha heer federal iyo heer maamul goboleed.

Xulashada saddexaad: nidaam isbar-bar socod ah

Nidaamka isbar-bar socodka waa hannaan labo nidaam garsoor oo kala madax bannaan ay kawada shaqeynayaan dowlad goboleedyada. Dowladda federaalka waxa ay yeelanaysaa garsoor heer federal ah oo ka jiri doona dhammaan degmooyinka iyo gobollada dalka, kasoo ka garab shaqeeynaya garsoorka heer dowlad goboleed. Degmo waliba waxa ay yeelaneysaa garsoor heer federal ah iyo garsoor heer dowlad goboleed ah, mid walibana waxa uu yeelanayaa awoodo u gaarka ah. Tusaale ahaan, maxkamadda federaalka ah waxa ay awood u yeelaneysaa arrimaha u gaarka ah dowladda federaalka, halka garsoorka dowlad goboleedka uu awood u yeelanayo arrimaha khuseeya maamul goboleedyada. Intaa waxaa dheer in ay jiri doonto maxkmada heer federal ah oo awood u yeelaneysa kaliya arrimaha la xiriira dastuurka. Arjentiin, Mareeykan, iyo Nayjeeriya ayaa kamid ah dalalka isticmaala nidaamkan garsoor.

Hannaankaan waxa uu dowlad goboleed waliba awood u siinayaa in ay yeelato garsoorkeeda gaarka ah oo ka madax bannaan kan federaalka, sharciyaddiisana ay meel marinayaan baarlamaanka dowlad goboleedka. Sidaas darteed, khilaaf ka dhasha awoodaha garsoorka waa la yareeyay maadaama awoodaha dastuur ee heer federal iyo heer dowlad goboleedba la kala caddeeyay. Cilladaha uu leeyahay hanaankan ayaa ah in loo baahanayo dhaqaale iyo howl-wadeenno badan. Marka la eego xaaladda ammaan ee uu dalka ku jiro, waa adkaaneeysa in laga hirgeliyo nidaamkan gobollada qaar ugu yaraan wakhtiga dhaw.

Nidaamka garsoor ee ku haboon Soomaaliya   

Inkasto dhowr iyo toban sano ay kasoo wareegtay marka Soomaaliya laga bilaabay nidaamka federaalka ah, weli waxaa jira faham yari dhanka is bar-bar-dhigidda nooca garsoor ee ku habboon Soomaaliya. Xiriirka wadashaqeyn ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada oo liita, iyo xiisadaha ka dhex aloolsan marwaliba labada heer ee dowladeed — oo ay sii dheer tahay doodda la xiriirta kaalinta Shareecada ku yeelaneyso garsoorka — waxa ay yareeysay in doodo furan oo dhaxal-gal ah laga yeesho, daraasaadna lagu sameeyo nimaadka garsoor ee ku habboon Soomaaliya. Si la isugu waafaqo nooca garsoor, waxaa loo baahan yahay in cilmibaaris dhab ah lagu sameeyo dhamaan nidaamyada garsoor ee jira, iyo sidoo kale in heshiis siyaasadeed laga gaaro nidaamka la qaadanayo.

Aragtideenna waxa ay tahay in nooca garsoorka mideeysan uu yahay midka ku habboon Soomaaliya ugu yaraan wakhtiga dhaw, saddex sabab awgood. Kow, nidaamkan waxa uu horey uga jiray dalka kahor iyo kadib burburki dowladdi dhexe ee Soomaaliya. Labo, uma baahna kharash badan marka loo eego xulashooyinka kale. Saddex, nidaamkan waxa uu meesha ka saarayaa is-qab-qabsiga dhanka awoodaha maxkamadaha ah. Faa’idooyinka uu leeyahay nidaamkan ayaa ka badan faa’iido darradiisa. Hase yeeshee, si loo helo kalsoonida iyo tageerada dowlad goboleedyada, dhisidda golaha sare ee adeegga garsoorka waa in laga wada tashadaa oo si wadajir ah ay isugu waafaqaan dowladda goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Waxa wada qoray Mahad Wasuge iyo Salad Addow

Faalladan waa middii ugu horreeyay qoraallo tixane ah oo aan ka sameyn doonno helidda garsoor hufan.

2 replies
  1. Mukhtaar maxamuud
    Mukhtaar maxamuud says:

    Waxaan taageer sanahay isku DHAFKA sabtoo ah waxaa uu kala saaray awoodaha oo kala qeexan. DOORKA SHAREECADA: hadaan xeerarka maxkamadaha saldhig looga dhigin shareecada islamarkaana garsoora yaasha lagu xidhin aqoon diineed iyo hufnaan,waxaa meesha kabaxaysa CADAALADA. Umad cadaalad weyday burbur baa udanbeeya!!!!

    Reply
  2. Mohamed cenkee
    Mohamed cenkee says:

    Waxa soo jeedin lahaa nidaamka heerka isku dhafka ee garsoor madama qaadanay nidaam heer federal, dawlad goboledyada inay yeeshan ilaa heer rafcaan taasina waxay suurtagal ka dhigaysaa dacwadaha lageeyo maxkamaha dalka inay u furan tahay ilaa heer 3 inay marto hadii muwaadin ku qanci waayo xukun maxkamad riday waxaana suurtagal ah in qofka shacabka lagu dulmi kari waayo 3 heer maxkamaded

    Reply

Trackbacks & Pingbacks

Leave a Reply

Want to join the discussion?
Feel free to contribute!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *