Ka gudbidda muddada gaaban: Sababta ay tahay in madaxweynayaasha Soomaaliya uu muddo xileedkoodu u noqdo hal xilli oo kaliya

Soomaaliya waxaa la qorsheynayaa in ay ka dhacdo doorasho qaran oo lagu doorto xildhibaannada iyo madaxweynaha federaalka dhamaadka sanadka 2020 iyo horaanta sanadka 2021. Inkastoo ay jiraan caqabado siyaasadeed, kuwo amni iyo kuwo dhaqaale oo aad u badan, haddana siyaasiyiinta ayaa bilwaabey in ay isku diyaariyaan doorashooyinka. Xisbiyo siyaasadeed ayaa la filayaa in ay u tartamaan kuraasta, Gudiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qarankana waxa uu  diwaangaliyay in ka badan 20 xisbi siyaasadeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ ayaa la doortay horraantii Febraayo 2017; hadda waxa uu shaqeynayaa 20 bilood. Balse dalka waxa uu ku jiraa jawi doorasho. Madaxweynihii hore, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa loo doortay in uu hoggaamiyo xisbi siyaasadeed cusub kaasoo ay ku midoobeen siyaasiyiin mucaarad ah. Dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee dhawaanahan ka socdey Muqdisho ayaa fariin u diraya hogaamiyayaasha federaalka ee hadda talada haya oo laftoodu isu diyaarinaya tartan culus.

Inkastoo in doorasho ‘qof yo cod’ ah lagusoo doorto xildhibaanada ay adagtahay marka la eego kaabayaasha doorashada oo aan ku filnayn iyo xaalada amni, xildhibaannada waxa ay matalaan shacabka waxaana la qorsheynayaa in ay shacabka soo doortaan. Sida ku cad dastuurka, xildhibaannada ayaa dooranaya madaxweynaha kasoo soo magacaabaya raysal wasaare hogaamiyo xukuumadda.  Xildhibaanada iyo madaxweynaha muddo xileedkooda waa 4 sano.

Muddo-gaaban                                          

Caqabadaha horyaalla madaxda dalka way badan yihiin. Soomaaliya waxa ay sanado badan ku jirtey xaalad fowdo, sidoo kale xafiisyada dowladda ee curdanka ah ayaa ah kuwo aan xoogganeyn. Madaxweyne waliba iyo dowlad kastaba waa in ay mudnaan siiyaan arimaha muhiimka sida amniga, baahinta xukunka, dib-usoo-nooleynta dhaqaalaha, gaarsiinta adeegyada dowliga ah iyo helitaanka cadaaladda. Laakiin muddada ay heystaan si ay arrimahan wax uga qabtaan ayaa ah mid yar.

Himilooyinka muddada-gaaban waxa ay marwaliba ka weeciyaan hoggaanka in uu diiradda saaro baahida shacabka. U-ololeynta doorasho labaad ayaa kamid ah himilooyinka muddada-gaaban. Taariikhda ayaa na bartay in madaxweyneyaasha ay wakhti iyo dhaqaale badan ku bixiyaan sidii mar kale loosoo dooran lahaa. Dastuurka kumeelgaarka ee Soomaliya ma caddeynayo inta jeer ee madaxweynaha xilka haya uu u tartami karo xafiiska. Madaxweyne kastaa waxa uu ku hamminayaa sida uu u dheereysan lahaa muddada xafiiska waxana uu uruursadaa dhaqaale si uu u guuleysto.

Qaab kale oo ka fikirka muddo-gaabnida ah waxa ay la xiriirtaa ka farxinta taageerayasha garabka siiyay madaxweynaha markii lagu jiray doorashada. Magacaabidda taageerayaasha iyo saaxiibbada iyo xil-ka-qaadista madaxdii hore ayaa ah dhaqan kale oo la arki karo, gaar ahaan labada sano ee ugu horreeya. Koox cusub, kuwaasoo qaar kamid ah aanay laheyn tayadii looga baahnaay xifiiska dowladeed, ayaa lasiiyaa fursado. Waxaa iska cad in ay tahay abaalgud dadaaladii iyo garab-istaaggii ay u sameeyeen madaxweynaha xilligii ololaha doorashada.

Intaa waxaa dheer, hantida dalka oo dano gaar ah loo isticmaalo ayaa ah xaalad kale oo ka dhalata muddada gaaban oo ay madaxda talada hayaan. Muddada madaxweynaha iyo dowladda ay sii haynayaan talada ayaa ah mid xaddidan. Sidaas darted, in si khaldan loo isticmaalo maaliyadda dalka ama lagu galo doorasho labaad ama shakhsiyaad ku taajiraan ayaa ah xaalad kale taasoo ka dhalata muddada dowladda oo gaaban.

Horumar yar iyo la’aanta qorsheyaal wakhtiga fog

Qancinta damaca shakhsiyadeed ee ku kooban wakhtiga dhaw micnaheedu waxa uu yahay in dowladdu ay dayaceyso hormarinta adeegyada bulshada, dib-usoo-nooleynta dhaqaalaha iyo xoojinta hay’adaha qaranka, kuwaasoo u baahan istaraatiijiyad wakhti fog, qorshe iyo waxqabad

Si muwaadiniintu u helaan adeegyo bulsho, dowladdu waa in ay maalgalisaa iskuulada iyo isbitaallada dowlada; in la baddelo qaabka loo qoro loona tababaro shaqaalaha dowladda; dhisidda ciidamo amni oo maareyn kara amniga; iyo sameynta garsoor daahfurnaan.  Himilooyinkan laguma gaari karo muddo afar sano ah.

Sidaas si lamid ah, sookabasho dhaqaale waxa ay u baahan tahay dadaal wakhti dheer. Horumarinta aqoonta dadka ee qayb kasta oo wax-soo-saar leh; maalgelinta kaabayaasha dalka sida waddoyinka; fulinta mashaariicda maalgashi ee waaweyn iyo abuuritaanka jawi soo jiidanaya maalgashiga; kabidda wax-soo-saarka dalka iyo kor-u-qaadista dhoofinta waxay u baahan tahay qorshayaal iyo dadaallo mudo dheer ah. Madaxweyne iyo xukuumad heysta afar sano oo raadinaya dib-u-doorasho kama dhabeyn karaan dib-usoo-kabashada dhaqaale oo ay Soomaaliya u baahan tahay.

Hal muddo xileed iyo lix sano

Xaaladda Soomaaliya waa mid adag. Wax-ka-beddel lagu sameeyo muddada madaxweynenimada kaliya ma ahan xalka dhibaatooyinka Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, madaxwaynuhu waxa uu udub dhexaad u yahay dadaalka qaranka, wax-ka-beddelida mudada madaxtinimadana waxa ay noqon kartaa qeyb ka mid ah xalka.

Caqabadaha adagi waxay u baahan yihiin xalal caqli-gal ah oo aanay khasab ahay in ay kamid tahay hab-dhaqanka dowladaha casriga ah. Si loo hagaajiyo adeegyada dowladda, dib-loogusoo-nooleeyo dhaqaalaha dalka, loona dhiso hay’adaha dawliga ah, muddada madaxweynaha waa in dib-loo-eego laguna bedelaa geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyada oo lala tashanaayo daneeyayaasha kala duwan.

Iyadoo la tixraacayo xaaladda dastuurka kumeelgaarka ah (iyo dib-u-eegista socota), muddada afarta sanno ah ee hadda jirta ee madaxweynaha ayaa laga dhigi karaa lix sano. Tani waa isbeddel loo baahan yahay in laga doodo si dhab ahna ay u qiimeeyaan hay’adaha ka shaqeeya dib-u-eegista dastuurka. Kororkaasi wuxuu madaxweynaha siin doonaa wakhti iyo fursad uu uga fekero ajandaha dal-dhisidda muddada fog. Waxay sidoo kale noqon kartaa hab looga fogaado in muddo xileedka hay’adaha dalka hal mar wada dhamaado maaddaama wakhtiga baarlamaanka iyo madaxweynuhu ay isku wakhti wada dhamaanayaan.

Tani waxaa kaliya oo ay ku suurageli kartaa marka la helo qodobo dastuur oo cad-cad kuwaasoo ka joojinaya madaxweynaha in uu u istaago dib-u-doorasho. Dastuurka waa in uu si cad u sheegaa in musharrax madaxweyne kasta oo ku guuleysta doorashada 2021 (iyo doorashooyinka dambe) aysan dhici doonin in dib loo doorto. Xaaladdan labaad waxay xaqiijin doontaa in madaxweynuhu uusan noqon doonin kaligii taliye xilka haya muddo ka baxsan xiligii uu dastuurku siiyay. Intaas waxaa sii dheer, tani waxay ka caawineysaa madaxweynaha in uu diiradda saaro mudnaanta qaranka lixda sano ee la siiyay.

Soojeedintan ma aha isbeddel dastuuri ah oo aan horay loo arag. Marka la eego dalalka kale, waxaa jira dalal leh qaab lamid ah tan aan soo jeedinnay. Mexico, Kyrgyzstan iyo Philippines waxay madaxdooda leeyihiin hal muddo xilleed oo lix sano ah. Waa qorshe lagu tijaabin karo Soomaaliya. Haddii la isku raaco lana ansixiyo, Soomaaliya waxay noqon doontaa waddankii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee uu madaxweynaha leeyahay hal muddo xileed. Madaxda dalalka South Korea, Paraguay iyo El Salvador ayaa leh muddo xileed shan sano ah, halka Colombia, Guatemala iyo Honduras ay leeyihiin hannaan u uggolaanaya madaxweynayaashood in ay xilka hayaan afar sano oo kaliya oo aanan dib layskusoo sharrixi karin.

Soo jeedinta hal muddo xileed oo lix sanno ah ee madaxweynenimada Soomaaiya waxay leedahay cilladeheeda. Ugu horreyn, lix sano waxay abuuri kartaa walaac ku aaddan xil-ka-qaadista madaxweyneyaal loo arko in aanay dalku hoggaamin karin. Haddii la ogyahay in ay jirto fursad lagu beddeli karo xaaladda afar sano kadib, siyaasiyiinta mucaaradka waxaa suuragal ah in ay fursaddooda sugaan afarta sano kadib balse ay ku dheer tahay lix sano. Marka labaad, waxaa dhici karta in muddada la xaddiday ay keento in hantidii shacabka la dhoco gaar ahaan sanadaha ugu danbeeyo ee xilka madaxweynaha. Xoojinta hay’adaha daahfurnaanta iyo garsoorka ayaa looga hortagi karaa arrinkan. Marka saddexaad, madaxweynaha ayaa isku dayi kara in uu dastuurka beddelo kahor inta aanay muddadiisa dhamaanin si uu isugusoo sharraxo mar labaad.

Sidoo kale arrimaha kale ee ragaadiyay siyaasadda Soomaaliya oo ay kamid tahay awoodaha isku dhafan ee madaxweynaha iyo raysal wasaaraha, oo mararka qaar dhaliya in xilka mooshin looga qaado raysal wasaaraha sida dhici jirtay, arrinkan xal uma noqonaayo.

Sikastaba ha noqotee, muddada afarta sano ah ee xilka madaxweynaha waxa ay u baahan tahay in dib-u-eegis lagu sameeyo maadaama khibradda aan ka barannay ay muujineyso in aanay la jaan-qaadi karin dowlad-dhisidda wakhtiga fog oo ay Soomaaliya u baahan tahay. Soojeedintan waxa ay xal u noqon kartaa caqabadaha Soomaaliya u gaarka ah. Waa maangal sababtoo ah majiro madaxweyne xilka labo jeer oo isxiga ladoortay tariikhda dhaw ee Soomaaliya inkastoo ay is sharaxeen. Sidoo kale soojeedintan waa mid ka joojineysa madaxweynaha xilka haya in uu wakhti iyo maalba ku bixiyo doorashada xigta intii uu mudnaan siin lahaa dib-u-dhiska dalka. Intaa waxaa dheer, soojeedintan waxa ay siineysaa madaxweynaha labo sano oo dheeri ah ee uu dalka ugu shaqeeyo taasoo aanan suuragal noqon lahayn isaga oo aan dib loosoo dooranin.

Maadaama dastuurka Soomaaliya uu weli qabyo yahay dib-u-eegisna ay ku socoto, soojeedintan ah in dastuurka gaar ahaan qodobada ka hadlaya mudda xileedka madaxweynaha la beddelo waa muhiim waana in si dhab ah oo furan looga dooddaa.

0 replies

Leave a Reply

Want to join the discussion?
Feel free to contribute!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *