Sida dastuur waara loogu sameyn karo Soomaaliya: Dhabbe loo mari karo dib-u-eegista dastuurka

Dastuur-u-sameynta Soomaaliya waxa ay soo bilaabatay sanadkii 2004 markaas oo Axdiga Federaalka iyo nidaamka federaalka lagu qaatay dalka Kenya. Axdigii Kumeelgaarka waxa uu farayay in la sameeyo guddi madax bannaan ee muddo labo sano iyo bar ah ku diyaariya dastuur cusub oo federaal ah. Guddiga waxa labo sano kadib sanadkii 2006 sameeyay madaxweynihii Dowladdii Federaalka Kumeelgaarka Cabdullaahi Yuusuf.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka Federaalka waxa uu soo saaray nuqulkii koowaad ee dastuurka bishii Luulyo sanadkii 2010. Guddiga Khuburada oo ka koobnaa 9 xubnood ayaa la sameeyay sanadkii 2011, labada guddi ayaana shirar looga hadlayay dastuurka ku qabtay magaalooyinka Garoowe (labo jeer) iyo Gaalkacyo, waxa ayna nuqul dhameystiran usoo bandhigeen bishii Abriil ee sanadkii 2012 lixdii saxiixayaal ee Roadmap-kii 2011 – Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Raysal Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali, iyo  guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Faroole, Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin, iyo Cabduqaadir Macalin Nuur oo metelayay Ahlu Sunna Wal Jamaaca.

Guddiga Dib-u-eegista Farsamo oo ay saxiixayaasha sameeyeen ayaa Addis Ababa iyo Nairobi dib-u-eegis ugu sameeyay dastuurka iyadoo aanay goobjoog ahayn labada guddi ee dastuurka. Soomaali badan ayaa rumeysan in dastuurka 2012 la ansixiyay uu yahay midkii wax loogasoo beddelay Addis Ababa iyo Nairobi. Labadii guddi dikreeto ayaa lagu kala diray, habraac lagu sameynayo Golaha Metelaadda Qaran iyo habraacyo kale ayaana lagu ansixiyay Nairobi. Bishii Agosto, 825 Golaha Metelaadda ayaa ansixiyay Dastuurka Kumeelgaarka.

Maadaama arrimo badan aanan la caddeynin, waji cusub ee dib-u-eegis loogu sameynayo dastuurka ayaa bilowday sanadkii 2012. Dastuurka kumeelgaarka waxa uu farayaa in la sameeyo guddiga lasocodka baarlamaanka iyo guddi madax bannaan oo qabya tira dastuurka. Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka – oo la sameeyay bishii Juun ee sanadkii 2014 – iyo Guddiga Lasocodka baarlamaanka waxa ay ka gaabiyeen howshii loo xilsaaray sababo badan awgood oo ay kamid tahay in aanay helin dhaqaale ku filan, wakhtiga oo yaraa, xasilooni darro siyaasadeed, iyo qaar kamid ah xubnaha guddiga oo dalka ka maqnaa. Labada guddi waxa ay dib-u-eegis degdeg ah ku sameeyeen dastuurka bilihii ugu danbeeyay ee muddo xileedka baarlamaankii 9-aad waxa ayna baarlamaanka u gudbiyeen nuqul ay ku jiraan xulashooyin la xiriira arrimaha laysku khilaafsan yahay. Baarlamaanka waxa uu isagana u wakiishay qabya tirka dastuurka baarlamaanka 10-aad.

Arrimo la isku hayo iyo kuwo farsamo

Qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameynayo waxa loo qeybiyaa labo qeybood: arrimo farsamo iyo arrimo siyaasadeed oo lagu kala aragti duwan yahay. Dib-u-eegis baarlamaan ayaa ku filan turxaan bixinta arrimaha farsamo. Baarlamaanka, gaar ahaan guddiga lasocodka oo kaashanaya guddiga madaxa bannaan, waa in ay mudnaan siiyaan dib-u-eegista iyo sixidda arrimaha farsamo.

Qeybta labaad ee dib-u-eegista dastuurka waa arrimaha siyaasadda ee laysku khilaafsan yahay. Hirgelinta nidaamka federaalka waxa uu u baahan yahay in heshiis laga gaaro arrimo siyaasadeed oo dhowr ah. Arrimahan waxa kamid ah awoodaha iyo masuuliyadaha dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, qeybsiga kheyraadka, nidaamka garsoorka, maqaamka Muqdisho, awoodaha madaxweynaha iyo raysal wasaaraha, iyo metelaadda iyo awoodaha labada aqal ee baarlamaanka federaalka.

Guddiyada dastuurka go’aan kama gaari karaan arrimahan iyadoo aanay is-afgarad ka gaarin daneeyayaasha siyaasadda. Ka heshiinta arrimahan ayaa ah qeybta ugu adag ee dib-u-eegista dastuurka. Ma jirin madal gaar ah oo looga hadlo arrimahan. Kaalinta ay kala leeyihiin hay’adaha kala duwan oo ka shaqeeya arrimaha dastuurka sidoo kale ma ahayn mid cad oo ay heshis ku wada yihiin.

Hay’ado hal shaqo wada qabanaya

Inkastoo uu dastuurka kumeelgaarka farayo in Guddiga Lasocodka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ay dib-u-eegis ku sameeyaan dastuurka kumeelgaarka ah, waxa jira dhowr hay’adood oo ka shaqeeya arrimaha dastuurka kuwaaso ka jira heer federaal iyo heer maamul goboleed. Dowladda federaalka waxa ay leedahay saddex hay’adood oo arrimaha dastuurka ka shaqeeya: Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddila Lasocodka baarlamaanka.

Waxaa jiray khilaafyo dhowr ah oo ka dhex jiray Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo guddiyada dib-u-eegista dastuurka. Khilaafka ayaa ku saleysnaa kaalinta ay hay’ad kasta ku leedahay arrimaha dib-u-eegista dastuurka, waxa uuna khilaafkan sababay dib-u-dhac. Guddiyada iyo wasaaradda waxa ay si kala gooni gooni ah shirar looga hadlayo arrimaha dastuurka ugu kala qabteen magaalada Muqdisho iyo caasimadda maamul goboleedyada. Inkastoo ay heshiis is-afgarad kala saxiixdeen saddexda hay’adood sanadkan, khilaafka u dhexeeya ma ahan mid si dhab ah loo xalliyay.

Waxaa sidoo kale meesha ku jira danaha maamul goboleedyada oo u baahan in la tixgeliyo. Maamul goboleedyada Puntland, Jubaland, KoonfurGalbeed, Galmudug, iyo Hirshabeelle waxa ay leeyihiin wasaarado ka shaqeeya arrimaha dastuurka. In hay’adahan badan oo haddana halka shaqo qabanaya ay wada shaqeeyaan ma ahayn mid lagu guuleystay. Bartamiihii bishii May, Jubaland ayaa diidday in ay qeyb ka noqoto daahfurka Shirka Qaran ee Dastuurka ee lagu qabtay Muqdisho.

Lahaanshaha Soomaalida

Caqabad kale oo weyn oo qeyb ahaan lagu fasiri karo sababta Soomaaliya aanay wali u lahayn dastuur rasmi ah ayaa ah in dastuur-sameynta iyo dib-u-eegista dastuurka ay maalgelinayeen deeq bixiyayaal caalami ah. Malaayiin doollar ayaa lagu bixiyay Dastuurka Kumeelgaarka ah tan iyo markii ay howshiisa soo bilaabatay dhowr iyo toban sano kahor.

Madaxda Soomaalida oo aan daneyneynin in ay maalgeliyaan dastuurka dalka iyo ka go’naanshaha beesha caalamka in ay kaalin ka qaataan go’aan ka gaarista nooca dastuur oo ay Soomaaliya yeelaneyso waxa ay keentay in hannaanka dib-u-eegista dastuurku noqdo shaqo aan dhammaad lahayn. In la sameeyo hay’ado dastuur fara badan iyo hardanka ka dhex jira waxa qeyb ahaan lagu fasiri karaa lacagta deeq bixiyayaasha caalamka ee lagu bixinayo hannaanka dib-u-eegista dastuurka.

Waxaa xusid iyo ammaan mudan dowladda federaalka oo markii ugu horreysay lacag $3 malyan ah u qoondeysay dib-u-eegista dastuurka. Haddii si wanaagsan loo maamulo lana bixiyo, miisaaniyadda dowladda federaalka ayaa ku filan dib-u-eegista dastuurka. Taageerada maaliyadeed iyo kaalinta beesha caalamka waa in lagu bixiyaa marxaladaha danbe ee dastuurka sida wacyigelinta dadweynaha iyo aftida loo qaadayo dastuurka.

Dhabbe loo mari karo dib-u-eegista dastuurka

Shacabka Soomaaliyeed waxa ay u baahan yihiin dastuur ka jawaabaya danahooda siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho. Dastuur-sameynta iyo dib-u-eegista dastuurka waxa ay soo jiitantay muddo dheer waxa ayna caqabad ku tahay dhisidda hay’adaha dowladda iyo in shacabka la gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.

Si loo xaqiijiyo in natiijada hannaanka dib-u-eegista dastuurku noqoto mid waarta, daneeyayaasha waa in ay si dhab ah u qaadaan shan tallaabo oo isku xeran.

Kow, Guddiga Lacododka baarlamaanka iyo Guddiga madaxa bannaan waa in ay mudnaan siiyaan arrimaha farsamada ee ku jira dastuurka, waana kuwa ugu badan ee u baahan in la saxo. Inta badan arrimaha farsamo horey ayaa looga shaqeeyay, mana ku adkaan doonto labada guddi in ay dib-u-eegis labaad oo dhameystiran ku sameeyaan si baarlamaanku u ansixiyo. Haddii dib-u-eegista iyo sixidda arrimaha farsamo la dhameystiro, waxa haraya kaliya arrimaha siyaasadda ee lagu kala aragti duwan yahay.

Labo, Dowladda Federaalka Soomaaliya waa in ay isugu yeertaa daneeyayaasha siyaasadda oo ay ku jiraan maamul goboleedyada, siyaasiyiinta, iyo kooxaha kale ee arimaha siyaasadda saameynta ku leh si looga wada hadlo arrimaha siyaasadda ee lagu kala aragtida duwan yahay. Madal qaran ayaa la sameyn karaa, taasoo yeelaneysa guddi hoosaadyo falanqeeya kana dooda arrimaha ay kamid yihiin awoodaha madaxweynaha iyo raysal wasaaraha, awoodaha labada aqal ee baarlamaanka federaalka, masuuliyadaha dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, qeybsiga kheyraadka, nidaamka garsoorka, iyo maqaamka magaalada Muqdisho. Mid kasta oo kamid ah arrimahan waa in laga wada hadlaa loogana heshiiyaa. Guddiyada dastuurka waa in ay markaas waxyaabihii lagu heshiiyay ku qoraan dastuurka si ay dadweynaha ugu bandhigaan.

Saddex, marka arrimaha farsamo la saxo arrimaha siyaasaddana laga wada hadlo lagana heshiiyo, nuqulka cusub ee dastuurka waa in shacabka loo bandhigaa si loo baro dastuurka aragtidoodana loo weydiiyo. Marxaladdan ayaa ah midda Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo wasaaradaha dastuurka maamul goboleedyadu ay ka qaadanayaan kaalin hogaamineed. Barnaamij wacyigelin dadweyne ballaaran oo lagu uruuriyo aragtida shacabka waa in la diyaariyaa.

Afar, dastuurka kumeelgaarka oo aragtida shacabka lagu biiriyay waa in loo bandhigaa labada aqal ee baarlamaanka federaalka si ay u ansixiyaan. Waxa uu dastuurku ahaan doonaa qabyo inta afti dadweyne laga qaadayo taasoo siin doonta kalsoonida shacabka. Balse waxa uu noqon doonaa mid ka wanaagsan dastuurka kumeelgaarka ee aan hadda heysanno.

Ugu danbeyn, aftida loo qaadayo dasturka waxa ay ku xernaan doontaa labo arrin: (i) in laga heshiiyo maqaamka Soomaaliland iyo (ii) xaaladda amni ee dalka. Sikastaba ha noqotee, aftida dadweyne waxa ay sharciyad siin doontaa dastuur horey dib-u-eegis loogu sameeyay hannaan loo dhan yahay.

Marka la eego doorashada la qorsheynayo in la qabto sanadka 2020-21 iyo baahida loo qabo in la yegleelo hay’ado dowladeed oo shaqeynaya, dhabaha dib-u-eegista dastuurka ee aan sharraxnay waxa uu u baahan yahay hoggaan dantiisu tahay soo saaridda dastuur ka jawaabaya danaha shacabka Soomaaliyeed laguna ansixiyay hannaan loo dhan yahay.

0 replies

Leave a Reply

Want to join the discussion?
Feel free to contribute!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *