Siyaabaha heshiis siyaasadeed looga dhalin karo Soomaaliya

Madaxda Soomaaliya heer federal iyo heer maamul goboleed waxaa muddooyinkii danbe ka dhex jiray jahwareer siyaasadeed. Xiisadda ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay markii ay madaxweynayaasha maamul goboleedyada – oo kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo horraantii bisha Sebteembar 2018 – ay go’aansadeen in ay hakiyaan xiriirka wadashaqeyn oo ay la lahaayeen dowladda federaalka ilaa iyo inta cabashooyinkooda laga wada xaajoonayo heshiisna laga gaarayo iyada oo ay gacan saddexaad dhexdhexaadineyso. Madaxda maamul goboleedyada waxa ay sabab uga dhigeen go’aankooda arrimo dhowr ah oo isugu jira kuwo siyaasadeed iyo kuwo amni oo ay kaga cabanayaan dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho.

Baaqii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in ay madaxweynayaasha maamul goboleedyada kulan isugu yimaadaan Muqdisho 17-ka Sebteembar lama ajiibin. Aragtida dowladda federaalka waxa ka dhawaajiyay raysal wasaare Khayre oo isagu kahoryimid baaqii ahaa in Muqdisho aanay amni ahayn iyo in gacan ay saddexaad dhexdhexaadiso.

Intaa waxaa dheer mooshinno ka dhan ah madaxda sare ee Galmudug in ay bilowdeen. Inkastoo xasaradda Galmudug ay ahayd mid muddo jirtay, haddana mooshinnadan waxa ay u muuqdaan bilowga xiisado siyaasadeed oo hor leh oo ka bilaabanaya maamul goboleedyada, kuwaasoo aanay dowladda federaalka daawade ka ahayn.

Sababaha khilaafka

Khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ma ahan mid ku cusub Soomaaliya. Khilaafyada joogto ayay ahaayeen tan iyo sanadkii 2013 markaasoo la bilaabay dhismaha maamul goboleedyada. Hardanka awoodeed ee joogtada ah una dhexeeya dowladda dhexe iyo maamullada gobollada waxa sabab u ah mushkilado ka dhalanaya duruufo kala duwan.

Kow, nidaamka federaalka ayaa ah mid aan isku aragti laga ahayn. Inkastoo ay sanadkii 2004 dalka Kenya ku ansixiyeen hogaamiyeyaal metelayay beelo hubeysan, nooca federaal oo ay Soomaaliya qaadaneyso lagama doonin kahor inta aanan la hirgelinin. Soomaali badan ayaa aaminsan in aanu nidaamka federaalka ku habbooneyn Soomaaliya. Madaxda dowladda federaalkana waxa suuragal ah in ay aragti kale ka heystaan hirgelinta iyo ku habboonaanta nidaamka federaalka ee Soomaaliya.

Labo, awoodaha iyo masuuliyadaha dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada kuma kala cadda dastuurka kumeelgaarka ah. Maamul goboleedyada waxaa la sameeyay iyadoo uu dastuurku qabyo yahay. Baarlamaanka federaalka iyo guddiyada dib-u-eegista dastuurka waxa ay ku guuldarreysteen in ay ka doodaan, kala caddeeyaan, kuna heshiiyaan awoodaha dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada. Taasina waxaa ka dhashay in labada heer ee dowladeed uu mid kastaa ku dadaalo sidii uu ku heli lahaa awoodda ugu badan ee suuragalka ah.

Saddex, qaar kamid ah maamul goboleedyada waxaa lagu dhisay si degdeg ah si ay guul siyaasadeed dowladdii federaalka hore uga gaarto doorashadii 2016. Sidaas si lamid ah, madaxda dowladda federaalka oo ku dhawaad labo sano xafiiska jooga waxaa suuragal ah in ay iyaguna doonayaan in ay maamul goboleedyada hogaamiyaan siyaasiyiin ay isku aragti yihiin. Arrinkanna waxa suuragal ah in uu sii kiciyay xiisadda u dhexeyso dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Ugu danbeyn, muddo xileedka madaxweynayaasha saddex maamul goboleed – Shariif Xasan, Cabdiwali Gaas, iyo Axmed Madoobe – ayaa dhamaanayaa sanadaha 2018 iyo 2019. Dhammaantood waxa ay doonayaan in dib loo doorto. Waxa laga yaabaa in ay walaac ka qabaan in dowladda federaalka ay u ololeyneyso in aanay soo noqonin. Xaaladdan waxa ay sabab u noqon karaa midowga madaxda maamul goboleedyada ee ka dhanka ah dowladda dhexe.

Saameynta uu ku yeelanayo qaranka

Soomaaaliya ma lahan hay’ado dowladeed oo awood badan. Wakhtiyadii hore, mooshinnada iyo khilaafyada siyaasadeed waxa ay hakad gelin jireen shaqooyinka dowladda. Xiisadda hadda ka dhex jirto dowladda federaalka iyo maamul goboleedyaduna waxba kama duwana. Waxa ay saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelanaysaa dadaallo qaran oo dalka ka socda.

Xiisadda siyaasadeed waxa ay saameyn ku yeelaneysaa amniga. Qorshaha kalaguurka amniga, qorshaha qaran ee dhisidda hay’adaha amniga, hannaanka dhameystiran ee amniga, iyo dadaallada kale ee amni waxa ay u baahan yihiin iskaashi iyo wada-shaqeyn u dhexeysa dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada. Xaaladda hadda jirtana kama dhigeyso iskaashigaas mid suuragal ah. Kala duwanaanshaha siyaasadeed ee u dhexeeya labada heer ee dowladeed uma wanaagsana amniga qaranka, waxa ayna sii dheereyn doontaa ku tiirsanaanta xoogagga AMISOM.

Saameynta kale ee khilaafka siyaasadeed ka dhalaneyso waxa ay noqoneysaa in lacago badan lagu bixiyo mooshinno laga baaqsan karo. Jeebka siyaasiyiinta qaar waa uu buuxsami doonaa balse waxaa dayacmi doona gaarsiinta adeegyada dowladda ee shacabka, soo kabashada dhaqaalaha iyo xoojinta itaalka hay’adaha dowladda.

Intaa waxaa dheer, xiisadda siyaasadeed waxa ay dib-u-dhac u keeni doontaa dib-u-eegista dastuurka oo ay maamul goboleedyadu ku leeyihiin kaalin muhiim ah. Iyadoo aanay jirin wadashaqeyn, arrimaha siyaasadda sida qeybsiya dakhliyada kasoo xarooda dekadaha iyo garoomada diyaaradaha, kala saaridda awoodaha fulinta dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, nidaamka garsoorka iyo kuwo kale oo ilaa hadda aanan laysla meel dhigin una baahan heshiis siyaasadeed lama qabyo-tiri doono.

Saameyn kale ee uu xiriirka aan wanaagsaneyn ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadu leeyahay waa in fursadda ah in sanadka 2020/21 doorasho ‘qof iyo cod’ ah la qabto ay sii yaraaneyso. Xaqiiqda ah in maamul goboleedyadu ay su’aal ka keeneen hannaanka doorasho ee horey magaalada Baydhabo loogusoo heshiiyay waxa ay muujineysaa in doorashada 2020/21 ay wajaheyso caqabado siyaasadeed. Qorista iyo ansixinta sharciga doorashooyinka, diiwangelinta xisbiyada siyaasadeed, amniga, qabyo-tirka dastuurka, diiwaangelinta cod bixiyayaasha, iyo wacyigelinta la xiriirta doorashooyinka, oo dhammaantood u baahan iskaashi dhinacyo badan ah, waa howlo ay tahay in lagu qabto muddo labo sano gudahood ah.

Siyaabaha heshiis siyaasadeed loo dhalin karo

Siyaasad loo-dhan-yahay ayaa muhiim u ah xasilooni siyaasadeed, gaar ahaan dalalka kasoo kabanaya colaado iyo dagaallo sokeeye. Soomaaliyana, hoggaanka dowladda federalka iyo kuwa maamul goboleedyada waxa ay labaduba kaalin muhiim ah ku leeyihiin jaangoynta siyaasadda dalka. Madaxweynaha, raysal wasaaraha, iyo golaha wasiirrada federaalka waxa doortay ama codka kalsoonida siiyay xildhibaanno qaar badan oo kamid ah ay soo taageereen madaxweynayaasha maamul goboleedyada. Masuuliyiinta dalka waa in ay fahmaan in ay muhiim tahay in ay arrimahooda xallistaan haddii ay doonayaan in ay dalka horey u wadaan.

Si loo xalliyo kala duwanaanshaha siyaasaddeed, fursado way jiraan. Wakhtiga dhaw, xiisadaha siyaasadeed waxa looga gudbi karaa iyada oo la dhaqan-geliyo soojeedinta soo socoto.

Marka koowaad, dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada waa in ay aqbalaan islamarkaana xushmeeyaan masuuliyadaha ay kala leeyihiin, waana in mooshinnada ka bilowday gobollada la joojiyaa. Arrinkan waa tillaabada ugu horreyso ee sahli karta in laga heshiiyo xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda dhexe iyo maamullada gobollada.

Marka labaad, iyadoo ay hoggaamineyso Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, dowladda federaalka waa in ay bilowdaa safarro lagu bixinayo gobollada laguna fahmayo tabashooyinka maamul goboleed kasta. In ay dowladda kaashato xubnaha Aqalka Sare waxa ay sidoo kale xoojineysaa dadaallada dib-u-heshiisiin.

Labadaan tallaabo waxa ay muujin doonaan ka go’naanshaha dowladda federaalka ee soo afjarista xiisadda siyaasadeed ee taagan. Natiijooyinka yididiillada leh ee kasoo baxaya wadahadalka ay dowladda federaalka la gashay hoggaanka maamulka Hirshabeelle waxa ay xoojineysaa hannaankan isusoo dhawaansho ee ku saleysan wada hadalka.

Midda saddexaad, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waa in ay qaban-qaabisaa kulan u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada kaasoo lagusoo afjarayo kala duwanaanshaha labad dhinac. Shirka waa in looga hadlaa loogana heshiiyaa waxyaabaha sababaya khilaafka labada dhinac. Waana in ay sidoo kale jiraan ballanqaad dhab ah in labada dhan ay hirgelin doonaan qodobada lagu heshiiyay.

Haddii hannaankan – oo intiisa badan ku xernaan doono tallaabooyinka ay qaaddo dowladda federaalka – uu shaqeyn waayo, aqoonyahannada, odayaasha dhaqanka iyo ganacsatada Soomaaliyeed oo loo arko in ay dhexdhexaadin karaan labada dhinac waa in ay isku yimaadaan oo ay bilaabaan sidii ay heshiisiin ku sameyn lahaayeen.

Ku guuldarreysiga in tallaabooyinka sare ku xusan la qaado waxa ay muujin doontaa in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay weli ku kalsoon yihiin kaliya beesha caalamka in ay heshiisiiso. Haddii ay tani dhacdana, waxa ay muujin doontaa sida siyaasiyiinta talada haya ay Soomaaliya dib ugu celiyeen xilligii ‘kumeelgaarka’ ee lagasoo gudbay.

Wakhtiga fog, hardanka siyaasadeed ee u dhexeeya labada heer ee dowladeed waxa looga fogaan karaa iyadoo la dhiso lana awood-siiyo hay’adaha dowliga ah ee aan weli la dhisin.

Kow, hannaan dib-u-eegis dastuur loo-dhan-yahay oo si cad u qeexa awoodaha gaarka u ah dowladda federaalka, kuwa gaarka u ah maamul goboleedyada iyo kuwa wadaagga ah waxa ay hoos u dhigi doontaa is-qab-qabsiga joogtada ah ee u dhexeeya laamaha fulinta dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Tallaabada labaad muhiimkana ah waa dhismaha maxkamad dastuuri ah taasoo go’aan ka gaarta khilaafyada la xiriira awoodaha dastuuriga ah. Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka waa in la dedejiyaa maadaama uu ka horreeyo dhisidda Maxkamadda Arrimaha Dastuurka.

Aqbalaadda iyo xushmeynta masuuliyadaha laamaha kala duwan ee dowladda, iyo ka go’naanshaha in khilaafka siyaasadeed lasoo afjayo iyo rabitaanka in la abuuro siyaasad xasiloon waxa ay kaalin ka qaadan doontaa dib-u-heshiisiinta dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada. Sikastaba ha noqotee, tallaabooyinka ay qaadaan iyo xeeladaha ay isticmaalaan madaxda talada haysa ayaa go’aamin doono halka uu ku dhamaanayo khilaafka. Waa wakhti xasaasi ah tijaabana u ah kartida hoggaamiyayaasha Soomaaliya.

0 replies

Leave a Reply

Want to join the discussion?
Feel free to contribute!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *