Soomaaliya: Xiriirka ka dhexeeya canshuurta, kalsoonida shacabka iyo adeegyada bulshada

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhawaan bilowday is-bedello dhanka maaliyadda ah ee lagu kobciyo dakhliga gudaha. Dowladda waxa ay bilowday uruurinta laba nooc oo canshuur ah: canshuurta dakhliga iyo canshuurta iibka. Canshuurta dakhliga oo ah 6% mushaarka u dhexeeya $200 iyo $800; 12% mushaarka u dhexeeya $800 iyo $1500 iyo 18% mushaarka ka badan $1500 ayaa la bilaabay in laga qaado shaqaalaha la shaqeeya qaar kamid ah shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha caalamiga ah ee aan dowliga ahayn ee ka howlgala Soomaaliya. Sidoo kale canshuurta iibka oo 5% ah ayaa laga bilaabay hoteello ku yaalla Muqdisho. Wasaaradda Maaliyadda waxa ay sidoo kale bedeshay qaabkii loo qaadi jiray canshuuraha badeecooyika lasoo dhoofiyo, waxa ayna 5% canshuurta iibka ah saartay badeecooyinka aan ahayn kuwa quutul-daruuriga ah ee lagasoo dejiyo dekedda Muqdisho.

Xeer Nambar 5, ee lasoo saaray 5-tii Nofembar, 1966 ayaa nidaaminaya canshuurta dakhliga. Sidoo kale Xeer Number 2, ee lasoo saaray 7-dii Janaayo 1984-tii, kaasoo beddelay xeerkii soo baxay bishii Nofembar 1966, ayaa sidoo kale ah aasaaska canshuurta iibka. Sikastaba ha noqotee, iskudayga ah in lasoo uruuriyo canshuurta iibka ma aanay soo dhaweynin ganacsatada Muqdisho. Suuqa Bakaaraha, oo ah suuqa ugu weyn dalka, ayaa dhowr maalmood la xeray si loo muujiyo gadoodka ganacsatada ee canshuurta iibka. Doodda ugu weyn ee ganacsatada waxa ay ahayd, kow, in 5 boqolkiiba ay badan tahay; labo, in dowladdu canshuur iib saartay badeeco aanan wali suuqa la geynin; iyo saddex, in canshuurta dalka oo dhan laqa qaadeynin. Wasiirka maaliyadda ayaa difaacay canshuurta dhowr jeer ee uu warbaahinta la hadlay, waxa uuna sharraxay in 5 boqolkiiba aanay badneyn, iyo sidoo kale muhiimadda canshuurtu u leedahay isku-filnaanshaha dowladda iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya ee sanadka 2018 waxa ay muujineysaa in lagu kabayo 43% (ama $118.6 malyan), waxa ayna dooneysaa in ay kabitaankan yareyso iyada oo kordhineysa dakhliga kasoo xarooda gudaha dalka. Balse ujeedada ugu weyn ee isbedelladan maaliyadeed ee cusub waxa ay salka ku hayaan dadaalka ay dowladda ugu jirto in deymaha laga cafiyo dalka, iyadoo la raacayo nidaamka Sanduuqa Lacagta Adduunka u dejiyay dalalka saboolka ah ee loo yaqaanno Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) Initiative. Barnaamijka kormeerka shaqaalaha ee Sanduuqa Lacagta Adduunka ugu danbeeyayna waxa uu ammaanay dadaalka Soomaaliya ugu jirto wax-ka-beddelka nidaamka maaliyadda.

Caqabado

Waxa jira caqabado dhowr ah ee wajahaya dadaal kasta ee wax looga beddelayo maaliyadda dalka. kow, nidaamka canshuuraha si fiican looma fahamsana. Dalka waxa uu soo maray in ka badan labaatan sano oo qalalaase lagu jiray, canshuurna aan la bixinin. Inta badan Soomaalida ku nool dalka fahamkooda ku aaddan noocyada canshuuraha iyo ujeedooyinka loo qaado wuu hooseeyaa. Iskuullada iyo jaamacadaha oo aan ahmiyad siinin waxbarashada madaniga ah ayaa faham la’aantan qeyb ahaan loo tiirin karaa. Sikastaba, arrintan waxa ay muujineysaa in loo baahan yahay olole baahsan ee lagu barayo dadweynaha arrimaha ku xeeran canshuuraha.

Labo, dowladihii is xig-xigay si ku filan ahmiyad uma aanay siinin adeegyada bulshada. Miisaaniyadda sanadkan loo qoondeeyay adeegyada bulshadana kuma filna daboolidda baahiyaha badan ee loo qabo. Adeegyada aasaasiga ah oo ay dowladdu qabato sida amniga, waxbarashada, caafimaadka, iyo kaabayaasha waxa ay ku yaraayeen gobollada qaar, gobollo kalana kamaba jirin. Muwaadiniinta intooda badan waxa ay masuul ka yihiin in ay iyaga sugtaan ammaankooda, sidoo kalana daboolaan baahiyahooda caafimaad iyo waxbarasho, iyaga oo aan taageero ka heleynin dowladda. Su’aasha kusoo dhaceysa maskaxda muwaadinka waxa ay tahay waxa ay dowladdu u qabaneyso marka canshuurta uruuriso, taasina wali ma cadda.

Saddex, waxa jirta dood ah in canshuuraha laga qaadayo Muqdisho kaliya iyada oo aanay jirin hannaan canshuur qaadis lagu heshiiyay oo ka dhaqan galaya dalka oo dhan. Nidaamka federaalka waxa uu sii adkeynayaa nidaamka canshuuraha. Maamullada gobollada waxa ay hadda isticmaalaan qaabab kala duwan si ay dakhliga gudaha usoo uruuriyaan. Muwaadiniinta Muqdisho waxa ay is-weydiinayaan sababta canshuurta dowladdu ugu gaar tahay Muqdisho.

Ugu danbeyn, waxa jira shaki ah in cansuurta la musuqmaasuqo, dad badanna waxa ay shaki ka qabaan halka ay lacagaha lasoo uruuriyo u dhamaan doonaan. Warbixinta musuqmaasuqa ee Transparency International ee la daabacay bisha Febraayo ee sanadka 2018 waxa ay muujineysaa in Soomaaliya wali tahay dalka ugu musuqmaasuqa badan dunida, waxa ayna ka hooseysaa Koonfurta Suudaan iyo Siiriya. Muwaadiniin badan ayaanan ku qanacsaneyn in lacagahaasi si wanaagsan loo maamuli doono.

Labo tallaabo oo ay tahay in ay qaaddo dowladda

Si dowladda federaalka dib-u-habeyn guuleysata uga dhaqan geliso maaliyadda dalka korna ugu qaaddo dakhliga gudaha, labo tallaabo ayaa lagama maarmaan ah in la qaado.

Kow, daahfurnaan dhinacyada miisaaniyadda iyo bixinta kharashaadka dowladda ayaa loo baahan yahay. Dowladda waa in ay sharraxdaa sida lacagta canshuuraha loo maamulayo. Muwaadiniinta waxa ay daneynayaan in ay ogaadaan sida lacagta loo isticmaalayo iyo meelaha ay ku baxeyso. Daahfurnaan maamulka lacagta ah waxa ay aad sare ugu soo qaadi kartaa kalsoonida shacabka ku qabaan dowladda. Markii Ngozi Okonjo-Iweala ay noqotay wasiirka maaliyadda Nayjeeriya sanadkii 2003, waxa ay bilowday in ay daabacdo miisaaniyadda dowladda bil kasta si ay u muujiso daahfurnaan. Muwaadiniinta Nayjeeriya waxa ay daneynayeen in ay ogaadaan sida loo isticmaalayo lacagta ay canshuur ahaan u bixiyeen. Hannaankaasi oo kale ayaa Soomaaliya laga sameyn karaa gaar ahaan Muqdisho.

Labo, dowladda federaalka waa in ay qeexdaa canshuurta beddelkeeda waxa ay u qabaneyso shacabka. Haddii dowladdu ahmiyad siineyso amniga, waa in ay sharraxdaa sida canshuurta kaalin uga qaadaneyso amniga dalka guud ahaan iyo amniga Muqdisho si gaar ahaaneed. Dowladdu waa in ay sidoo kale qeexdaa adeegyada kale ee aasaasiga ah sida wadooyinka, biyo nadiif ah, waxbarashada, iyo caafimaadka sida mudnaan loo siinayo. Canshuurta waa in ay la socotaa horumarinta adeegyada bulshada.

Canshuur-bixiyayaasha

Muwaadiniinta iyo canshuur-bixiyayaasha waa in ay fahmaan in bixinta canshuurtu tahay waajib iyo sidoo kale matoorka dhaqaajiya shaqada dowladda. In aanan canshuur la bixinin waxa ay micnaheedu tahay dowladda in aanu shacabku la xisaabtami karin, Soomaaliyana ay sii ahaato dal cansuur bixiyayaal ajnabi ah lacag ka suga. Si shacabku u helo adeegyo bulsho oo horumarsan, waa in canshuurta la bixiyaa sidoo kalana la dalbadaa daahfurnaan. Canshuur bixinta waxa ay muwaadiniinta siineysaa awood ay kula xisaabtamaan dowladda, danaha shacabkana dowladdu ka shaqeyso.


The Somali Public Agenda

0 replies

Leave a Reply

Want to join the discussion?
Feel free to contribute!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *