Posts

Somali Public Agenda

Sida dastuur waara loogu sameyn karo Soomaaliya: Dhabbe loo mari karo dib-u-eegista dastuurka

Dastuur-u-sameynta Soomaaliya waxa ay soo bilaabatay sanadkii 2004 markaas oo Axdiga Federaalka iyo nidaamka federaalka lagu qaatay dalka Kenya. Axdigii Kumeelgaarka waxa uu farayay in la sameeyo guddi madax bannaan ee muddo labo sano iyo bar ah ku diyaariya dastuur cusub oo federaal ah. Guddiga waxa labo sano kadib sanadkii 2006 sameeyay madaxweynihii Dowladdii Federaalka Kumeelgaarka Cabdullaahi Yuusuf. Read more