Posts

Somali Public Agenda

Dib-u-habaynta shaqaalaha rayidka Soomaaliya

Shaqaalaha rayidka waa howlwadeennada dowladda ee masuulka ka ah hirgelinta qorshayaalka dowladda iyo in shacabka la gaarsiiyo adeegyada dowladda. Dhisidda shaqaale rayid tayo leh, xirfad-yaqaanna ah waxa ay qeyb muhiim ah ka tahay dowlad dhisidda.

Tan iyo markii madaxbannaanida la qaatay, shaqaalaha rayidka Soomaaliya waxa ay wajaheen caqabado badan. Dowladihii rayidka iyo militariga ee dalka ka arriminayay intii u dhexeysay sanadihii 1960-kii ilaa 1991-dii waxa ay ku guuldarreysteen in ay yegleelaan hay’ad shaqaale rayid tayo leh. Read more