Posts

Dib-usoo-celinta isticmaalka Shilinka Soomaaliga ee magaalada Beledweyne

Halkee dunida kamid ah oo ay dadku gebi ahaanba iska joojiyeen isticmaalka lacagta warqadda ah? Ma ahan Silicon Valley mana ahan Singapore, laakiin waa Beledweyne, magaalo madaxda gobolka Hiiraan ee Soomaaliya. Lagasoo billaabo bishii Nofeembar ee sanadkii 2017, lacagta Shilin Somaaliga lagama isticmaalin Beledweyne. Lacagaha moobilka lagu qaato iyo lacagta adag ee doollarka Mareykanka ayaa ah lacagta kaliya ee la oggol-yahay in wax lagu kala iibsado suuqyada. Inkastoo fahamka iyo aqoonta dad badan oo deggan magaalada ay u leeyihiin isticmaalka lacagaha moobilka ay aad u hooseyso, haddana bulshada Beledweyne ma haystaan wax ikhtiyaar ah oo aan ahayn in ay lacagta lagu qaato moobilka iyo doollarka Mareykanka u isticmaalaan wax kala iibsiga maalinlaha ah. Adeegga EVC- Plus ee Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo adeegga E-Dahab oo ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa ah lacagaha electroniga ah ee magaalada laga isticmaalo. Read more