Posts

Xukuumad dulqaad leh iyo mucaarad xilkas ah: tubta looga weecan karo xasaradaha siyaasadeed ee Soomaaliya

Nidaamka dimuqaariga ahi inuu leeyahay mucaarad iyo dad wax dhaliila waa mid lagama maarmaan ah marka la eego kaalinta muhiimka ah oo ay leeyihiin. Xukuumadaha ayay xisaabiyaan waxayana baaraan sida ay u dejiyaan siyaasadaha, u maareeyaan, una fuliyaan. Intaa waxaa dheer, waxa ay dhaliilaan sida xukuumaduhu uga gaabiyaan ka dhabeynta ballan-qaadyadii ay sameeyeen wakhtiga doorashada iyo ka gadaalba. Read more

Ma la joogaa wakhtigii lacag cusub loo daabici lahaa Soomaaliya?

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay qorsheyneysaa in ay lacag cusub daabacdo. Horraantii bishii Juun ee sanadkan 2018, Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay naqshado 5,000 iyo 10,000 Shillin Soomaali cusub ah. Shir jaraa’id ee uu qabtay guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya dhamaadkii bishii Juun ee 2018 ayaa lagu sii caddeeyay inta ay ka koobnaan doonto lacagta cusub. Guddoomiyaha waxa uu sheegay in lacagta ay ka koobnaan doonto 1,000, 2,000, 5,000 iyo 10,000 Shillin Soomaali. Read more