Posts

Dhibaatooyinka isku milanka xubnaha baarlamaaka iyo golaha wasiirrada Soomaaliya

Kala saaridda awoodaha waxa ay gundhig u tahay dowladaha casriga ah, waana hannaan si siman awoodaha ugu qeybinayo laamaha dowladda. Waxa uu damaanad qaadayaa in laan kamid ah dowladda aanay ka awood badinin laan kale, waxana uu keenayaa isku dheelitirnaan awoodeed iyo isla xisaabtan. Read more

Somali Public Agenda

Ma yahay nidaamka xisbiyada badani mid xasilooni siyaasadeed u horseedi kara Soomaaliya?

Soomaaliya waxaa dib uga curanaya nidaamka xisbiyada badan kuwaa oo kamaqnaa saaxadda siyaasadeed ku dhowaad konton sano (50 sano) kadib afganbigii uu Jeneeral Maxamed Siyaad Barre hormuudka ka ahaa oo ay militariga hoggaanka dalka kula wareegeen sanadkii 1969-kii. Afganbigaas wuxuu soo afjaray nimaadkii xisbiyada badanaa oo ka bullaalay gayiga Soomaaliya lagasoo bilaabo 1940-aadkii gundhigna u ahaa siyaasadii sagaalkii sano ee xoriyadda ka danbeysay. Dadka qaar waxa ay u arkaan sagaalkaas sano xiligii dimuqraadiyadda halka kuwa kalana u arkaan xili musuq iyo dhaqan xumo ku habsatay wadanka. Read more