Posts

Division of powers and responsibilities in a federal Somalia

Somalia adopted a federal system of governance in 2004, although the formation of regional states only began in 2013. Four states have been formed under the auspices of the provisional constitution, in which the separation of executive powers and responsibilities between the different tiers of government remains unclear. Amidst this state of constitutional ambiguity, power struggles between the federal government and regional states have been – and remain – persistent. The constitutional review commissions reviewed the power-sharing options and presented scenarios to the parliament in 2016, but they have yet to be adopted and offer only a limited solution. In response to this protracted absence of a clarified governance structure, this brief presents new options to distribute powers and responsibilities to the different levels of government.

download the full governance brief

Soomaaliya waxa ay qaadatay nidaam federaal sanadkii 2004, balse dhismaha maamul goboleedyadu waxa ay bilowdeen 2013. Afar maamul goboleed ayaa la dhisay iyadoo dastuurka kumeelgaarka ah aanu si wanaagsan u kala saareynin awoodaha fulinta ee heerarka kala duwan ee dowladdu leeyihiin. Maadaama dastuurku aanu kala caddeyn awoodaha, hardanka awoodeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada waxa uu ahaa welina yahay mid joogto ah. Guddiyada dib-u-eegista dastuurka waxa ay dib-u-eegis ku sameeyeen awood qeybsiga waxana ay talooyin u gudbiyeen baarlamaanka sanadkii 2016, laakiin talooyinkoodii weli lama qaadanin. Maadaama hannaanka awood qeybsigu aanu caddeyn, warbixintan waxa ay soo jeedineynaa talooyin cusub ee la xiriira sida awoodaha iyo masuuliyadaha loogu qeybin karo heerarka kala duwan ee dowladda.

soo rogo warbixinta oo dhameystiran

Re-introducing the Somali Shilling in Beledweyne

Where in the world have people abandoned paper money entirely? It is not Silicon Valley and not Singapore but, of all places, Beledweyne, the capital of Hiiraan region of Somalia. Since November 2017, the Somali Shilling has not been used in Beledweyne. Mobile money and hard currency US dollars are the only acceptable modes of payment in the market. Although the understanding and literacy of the majority of the residents in using mobile money is low, the community in Beledweyne have no other option but to use mobile technology and US dollars for daily transactions. The EVC Plus Service of Hormuud Telecommunications Company and E-Dahab of Somtel Telecommunications Company provide the only acceptable electronic money in the city. Read more

Dib-usoo-celinta isticmaalka Shilinka Soomaaliga ee magaalada Beledweyne

Halkee dunida kamid ah oo ay dadku gebi ahaanba iska joojiyeen isticmaalka lacagta warqadda ah? Ma ahan Silicon Valley mana ahan Singapore, laakiin waa Beledweyne, magaalo madaxda gobolka Hiiraan ee Soomaaliya. Lagasoo billaabo bishii Nofeembar ee sanadkii 2017, lacagta Shilin Somaaliga lagama isticmaalin Beledweyne. Lacagaha moobilka lagu qaato iyo lacagta adag ee doollarka Mareykanka ayaa ah lacagta kaliya ee la oggol-yahay in wax lagu kala iibsado suuqyada. Inkastoo fahamka iyo aqoonta dad badan oo deggan magaalada ay u leeyihiin isticmaalka lacagaha moobilka ay aad u hooseyso, haddana bulshada Beledweyne ma haystaan wax ikhtiyaar ah oo aan ahayn in ay lacagta lagu qaato moobilka iyo doollarka Mareykanka u isticmaalaan wax kala iibsiga maalinlaha ah. Adeegga EVC- Plus ee Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo adeegga E-Dahab oo ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa ah lacagaha electroniga ah ee magaalada laga isticmaalo. Read more