Posts

Somali Public Agenda

Siyaabaha heshiis siyaasadeed looga dhalin karo Soomaaliya

Madaxda Soomaaliya heer federal iyo heer maamul goboleed waxaa muddooyinkii danbe ka dhex jiray jahwareer siyaasadeed. Xiisadda ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay markii ay madaxweynayaasha maamul goboleedyada – oo kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo horraantii bisha Sebteembar 2018 – ay go’aansadeen in ay hakiyaan xiriirka wadashaqeyn oo ay la lahaayeen dowladda federaalka ilaa iyo inta cabashooyinkooda laga wada xaajoonayo heshiisna laga gaarayo iyada oo ay gacan saddexaad dhexdhexaadineyso. Madaxda maamul goboleedyada waxa ay sabab uga dhigeen go’aankooda arrimo dhowr ah oo isugu jira kuwo siyaasadeed iyo kuwo amni oo ay kaga cabanayaan dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho. Read more