Xukuumad dulqaad leh iyo mucaarad xilkas ah: tubta looga weecan karo xasaradaha siyaasadeed ee Soomaaliya

Nidaamka dimuqaariga ahi inuu leeyahay mucaarad iyo dad wax dhaliila waa mid lagama maarmaan ah marka la eego kaalinta muhiimka ah oo ay leeyihiin. Xukuumadaha ayay xisaabiyaan waxayana baaraan sida ay u dejiyaan siyaasadaha, u maareeyaan, una fuliyaan. Intaa waxaa dheer, waxa ay dhaliilaan sida xukuumaduhu uga gaabiyaan ka dhabeynta ballan-qaadyadii ay sameeyeen wakhtiga doorashada iyo ka gadaalba.


Dhab ahaantii, muraacad xilkas ah kartina u dheer tahay wuxuu geliyaa dowladda feejignaan, wuxuuna saaraa cadaadis si ay shaqada ugu qabato si taxadar ku jiro. Sidoo kale, waa gaashaan la isaga dhigo hab dhaqanka aan wanaagsaneyn oo ay ku kacaan hoggaanka, ku tagrifalka awoodda, xatooyada hantida dowladda iyo jebinta xeerarka. Sidoo kale, waxay xoojiyaan hab-dhaqanka ku saleysan muwaandin xog-ogaal ah kana qeyb qaata marxaladda siyaasadeed. Waxaa la oran karaa siyaasad dal ma hana-qaadi karto haddii aanu mucaarad dhab ah ka jirin.

Nidaamka dimuqaariga ahi inuu leeyahay mucaarad iyo dad wax dhaliila waa mid lagama maarmaan ah marka la eego kaalinta muhiimka ah oo ay leeyihiin. Xukuumadaha ayay xisaabiyaan waxayana baaraan sida ay u dejiyaan siyaasadaha, u maareeyaan, una fuliyaan. Intaa waxaa dheer, waxa ay dhaliilaan sida xukuumaduhu uga gaabiyaan ka dhabeynta ballan-qaadyadii ay sameeyeen wakhtiga doorashada iyo ka gadaalba.

Waayihii mucaaradka ee xukuumadihii rayidka

Dastuurkii ugu horeeyay Somaaliya ee dimuqraadiga ahaa oo lagu meel-mariyay afti dadweyne sanadkii 1961-dii, waxaa ku jiray qodobo si cad u qeexayay xuquuqda mucaaradka ay ku leeyihiin nidaamka siyaasiga. Tallaabadan waxa ay Soomaaliya ku heshay bogaadin heer caalami ah, xilli inta badan wadamadii ka xoroobay gumeystaha ay u janjeersadeen kalitalisnimo iyo cadaadin mucaarad. Sagaalkii sano ee xukuumadihii rayidka (1960-1969), waxaa jiray xisbiyo mucaarad iyo dad dowladda dhaliila ilaa markii meesha laga saaray nidaamkaas 1969-kii, kadib afganbi aan dhiig ku daadan oo ay militariga talada kula wareegeen.

Inkastoo mucaaradku uu ahaa astaanta ugu muhiimsan wakhtigaa, haddana sida maamuladii kala duwanaa ula dhaqmeen mucaaradka ayaa kala geddisneyd. Xukuumadaha waxaa sameeyey oo maamulaayay xisbigii siyaaasadda heystay ee SYL, kaasoo ku lahaa baarlamaanka aqlabiyad intii uu shaqeynayay maamulkii rayikda. Dhankiisu mucaaradku wuxuu baarlamaanka ku lahaa xubno tiro yar taasoo u suurta-gelisay in ay kor ugu dhawaaqaan dhaliisha ay u jeedinayaan xisbiga talada hayay.

Intii uu xilka yahay Madaxeyne Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) iyo labadiisii raysalwasaare – Cabdirashiid Cali Sharmaarke (1960-1964) iyo Cabdirisaaq  Xaaji Xuseen (1964-1967), mucaaradku waxay si xooggan oo firfircoon u dhaliili jireen hab-dhqanka iyo siyaasadaha xukuumadda. Xukuumadaha dhankoodu waxay dulqaad u lahaayeen in ay dhageystaan arigtidooda, u qiimeeyaan si taxadar leh, islamarkaana waxay dib-u-eegi jireen arrimaha ay soo qaadeen. Ma isticmaalin tillaabooyin ka baxsan xeerka si ay u aamusiyaan codkooda gudaha goloha baarlamaanka, ma qashqashaadin mana aysan cabsi gelinin inta ay usoo socdaan goloha, sidoo kalana ma adeegsanin xeelado si weyn wadamada aan dimuqraadiga ahayn looga caano-maalo si ay u carqaladeeyaan in ay mucaaradku qabsadaan shaqadooda.

Sikastaba, xilligaa ma uusan ahayn mid aysan dhicin dhacdooyin ka dhan ah mucaaradka iyo dadka dowladda dhaliila. Dhacdooyin badan ayaa dhacy intii uu socday ololihii doorashooyinkii dowladaha hoose iyo doorashooyinkii baarlamaaka, maalmaha doorashadu socotay iyo kadib markii natiijadii doorashada loogu dhawaaqay. Ololihii doorashada, xisbiyada mucaaradka iyo musharaxiinta madaxa bannaan waxay la kulmeen xannibaadyo la xirira in ay gaaraan cod-bixiyaasha ku kala firirsan dalka. Waxaa dhacay in xisbigii talada hayay isticmaalo awooddii booliiska, oo si aan ganbasho lahayn daacad ugu ahaa SYL.  Intaa waxaa dheer, waxaa jiray in ay si ula kalac ah saraakiisha doorashooyinka ee heer degmo iyo heer gobolba ay daahiyeen diiwaangelinta liisaska musharaxiinta xisbiyada mucaaradka. Si lamid ah, xisbiga talada haayay uma oggolaan xisbiyada mucaaradku in ay ku baahiyaan arigtidooda warbaahinta dowladda si ay codkooda u gaarsiiyaan cod-bixiyaasha ku baahsan gobollada dalka.

Xaaladda mucaaradku ma fiicneyn intii uu Cabdirashid xilka madaxweynenimada hayay, Cigaalna raysalwasaaraha ahaa. Xaaladdu way sii xumaaneysay sababo la xariira isku daygoodi xooggana iyo ku dhagganaashahooda in ay xukunka sii hayaan. Arrintaan ayaa u horseedday in ay ciriiryaan xurriyaddii siyaasadeed islamarkaana dhuunta qabtaan mucaaradka, waliba waxay gaartay in ay ciidamo boolis ah geeyan xarumaha xisbiyada mucaaradka iyo in xeerka doorashada wax laga beddelo si aysan mucaaradku u damcin in ay la tartamaan. Ugu danbeyntii, waxay khasabtay in xisbayada mucaaradku ku biiraan xisbigii SYL.

Dhanka kale, xisibiyada mucaaradku waxay ku asteysnaayeen tilmaamo aan fiicneyn sida in ay yihiin kuwo aan karti lahayn, aragti la’aan ah, aan mabda’ lahayn, daneystayaal ah iyo in ay ahaayeen kuwo aanan ku dihicin in ay ka horyimaadaan xisbiga talada hayay, kaasoo awoodda hayay laga soo bilaabo xiligii maamulka xurid-gaarisiinta ee Talyaaniga.

Kadib markii dimuqraadiyadii qaloocneyd sii tiicday, ciidankii ayaa xeryahooda kasoo baxay iyagoo ku andacoonaya in ay dalka ka badbaadinayaan burbur. Waxay awooddii kula wareegeen qori caaraddii iyagoo bilaabay tillaabooyin qalafsan oo ay ku hakinaayaan dastuurka, ku mamnuucayaan xisbiyada siyaasadeed iyo dhammaanba kaabayaasha kale ee dimuqraadiga ahaa ee horay u shaqeynayay.

Kow iyo labaatankii (21) sano ee xukunkii caburiska ku dhisnaa, mucaaradka, waji kasta uu leeyahay, waxaa loo adeegsaday toogasho iyo qur-goyn, taasoo argagax ku beertay dadweynaha iyo kuwii rabay in ay dhaliilaan dhaqan-xumada maamulka.

Kadib markii meesha laga saaray taliskii militariga 1991-dii, Soomaaliya waxay lugaha lagashay qalaase ilaa laga yagleelay dowladdii kumeelgaarka ahayd ee lagu dhisay shirkii sanadkii 2000 lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Xilligaa ma aysan jirin mucaarad siyaasadeed oo abaabulan, taa baddelkeeda hogaamiye kooxeedyo ayaa maamulayay xaafadaha Muqdisho. Xukuumadihii kumeelgaarka ahaa ee ka danbeeyay iyaguna ma lahayn mucaarad siyaasadeed balse waxay la daaladhacayeen dagaal ay kaga soo horjeedaan kooxo hubeysan oo diiddanaa in dowladda ka taliso dalka.

Sida dhaqanku yahay, xisbiyadu waxay ka jiraan dalalka ay dimuqraadiyadda baarlamaaniga ahi ka shaqeyso, halkaa oo hal xisbi ama xisbiyo is-baheystay ay sameeyaan xukuumadda, waxayna heystaan aqlabiyad baarlamaan. Xisbiyada kale oo aan qeybta ka ahayn xukuumadda ayaa noqonaaya mucaaradka. Laakiin xaalada Soomaaliya marka la eego, baarlamaanka waxaa lagu xulaa ama lagu doortaa halbeegga qabiilka ku saleysan ee 4.5. Haddaba, siyaasiyiintu uma hoggaansana siyaasad xisbi marka ay codkooda dhiibanayaan ama ay ka qeyb qaadanayaan doodaha baarlamaanka.

Dib-usoo-laabashada mucaaradka

Mucaarad nabad wax-ku-doona wuxuu dib usoo muuqday xilligii dowaddii madaxweyne Xasan Sheikh inkastoo aanay jirin xisbiyo si sharci ah u abaabulnaa. Xubnaha baarlamaanka iyo siyaasiyiinta damacu ku jiro ee dibadda ka jooga nidaamka ayaa isku dayay in ay iftiimiyaan gefafka xukuumadda sidoo kalana dhaliilaan siyaasadaheeda gudaha iyo dibadda.

Mucaaradka aan xisbiga ku dhisneyn waxa ay diiraddooda saarneyd xaqiijinta dano gaaban, sida magaabis xafiis wasaaradeed, safaaradaha dibadda, in deeq waxbarasho loo siiyo caruurtooda iyo dano kale. Sidaa awgeed, haddii kooxda xilka heysaa ay daboosho baahida gaarka ah ee mucaaradka waxay si dhakhsi ah ay isugu badalayeen kuwo daacad u ah xukuumadda iyagoon dhowreynin aragti ama dan qaran toona.

Kooxaha mucaaradka ahaa ee aanan xisbina hoos tagin waxaa si guud loogu oggolaa in ay kulamo ku yeeshaan hoteellada Muqdisho wakhtigii dowladdii Xasan Sheikh. Waxay u yeeri kareen warbaahinta iyagoon oggolaansho ka raadin hey’adaha ay khuseyso, waxayna soo saarayeen hadallo ay ku dhaliilayaan madaxweynaha markaa talada hayay iyagoon baqdin ka qabin xarig ama in laga hor istaago kulamo kale oo ay ku qabasadaan goobahaas.

Si kastaba, intii ay socdeen doorashooyinkii madaxweyne ee maamul goboleedyada, xukuumaddu iyadoo isticmaaleysa hay’adaha ammaanka waxay qashqaashadday musharaxiintii mucaraadka iyo kooxihii ololahooda waday taasoo ahayd iskuday lagu doonaayay in laga joojiyo in ay la baratamaan musharraxa ay xukuumaddu taageereysay. Dowladda Federaalka waxay gacanta ku dhigtay hanaanka doorashada, waxayna xannibtay dhaqdhaqaaqa musharaxiinta mucaraadka ah iyo kooxaha u qaabilsanaa ololahooda doorasho. Xukuumaddu waxay ku dadaashay in ay ku qanciso xubnaha baarlamaanka in ay fursad u siiyaan in musharaxoodu kusoo baxo doorashada.

Sidoo kale, maamulkii xilligaa wuxuu xaddiday xorriyada mucaraadka kahor doorashadii baarlamaanka iyo tii maxadweynenimo ee dhamaadka sanadii 2016. Balse adeegsiga awood si loo baqdin geliyo loona aamusiyo mucaraadka iyo kuwa dhaliila waxay ahayd dhacdo yar xilli ay dagaal kalasoo horjeeddo Al-Shabaab, taa badelkeeda xeyn-daab soo gelinta mucaraadka ayaa ahayd habka ay ku shaqeyso.

Xaalka mucaraadka iyo xukuumadda talada heysa

Mudadii uu madaxweyne Farmaajo hoggaanka hayay waxaa shiiqay xurriyadda siyaasadeed, mucaaradkuna wuxuu foolka saaray xaalad adag kadib markii ay xukuumaddu si adag ula xaashay kuwa dhaliila iyo mucaaradka. Xukuumadda uma muuqato mid dulqaad u leh dhaleeceynta mucaaradka ee ku aaddan sida siyaasadaha danta guud loo jaangooyo, loogana dhaqan-geliyo gudaha dalka, gobolka Geeska Afrika iyo heer caalami. Xaaladaha qaar waxay si adag ula taacumashay mucaaradka. Waa masuuliyadda madaxda xilka heysa in ay ku dhageystaan mucaaradka maskax furan, dadweynahana ugu jawaab celiyaan waxyaabaha lagu dhaliilayo si waafi ah.

Xukuumaddu waxay adeegsatay xeelado maquunin ah si ay afka u qabato ugana adkaato dhaliilaha kulul ee ku aadan waxqabadkeeda kagana imaanaaya mucaaradka. Hoyga hoggaamiye mucaarad ah ayaa laweeraray, labo xildhibaanna waxaa la isku dayay in laga xayuubiyo xasaanadda kadib markii lagu eedeeyay khiyaano, sidoo kalana hoteellada ayaa lagu wargeliyay in ay helaan oggolaansho kahor inta aanan lagu qaban kulamo. Go’aamadaas iyo ficilladaas waxa ay dad badani u arkeen tillaabooyin aan dimuqraadi ahayn.

Dhinaca kale, mucaaradka iminka jira waa kuwo u sameysan in ay wax mucaaradaan, intooda badanna wax weyn kama roona kuwa ay dhaliilayaan. Waxaa cadeyn ku filin, inta badan wakhtigooda waxay ku bixiyaan in ay dhaliil u miisaan xukuumadda iyagoo adeegsanaaya warbaahinta, gaar ahaan warbaahinta bulshada. Waxay baahiyaan naceyb iyo hadallo xanaf leh oo ay kagasoo horjeedan dowladda, waxayna si taban u fasiraan dhacdooyinka si ay danahooda ugu adeegtaan, mararka qaarna waxay kiciyaan naceyb qabiil. Si lamid ah, ma awoodaan in ay miiska soo saarin wadiiqooyin ka duwan kuwa xukuumadda si ay ugu cadeeyeen cod-bixiyaasha in lagu aamini karo talada dalka.

Xukuumad dulqaad leh iyo mucaarad xilkas ah

Anigoo ka duulaya falanqeynta kore, waxaan ku doodayaa in dagaal laga doorto is-faham iyo wadashaqeyn lala yeesho mucaaradka ay dhaxal-siin karto wadanka natiijooyin qaraar. Taa baddelkeeda waa in mucaaradka loo arkaa dad wax ku leh hannaanka dowladeed iyadoo si wada jir ah loogu adeegi karo danaha qaran.

Iyadoo maanka lagu haayo koow iyo labaatankii sano ee waayahiin kalitaliska iyo dagaal beeleedyadii ka dhashay, dalka wuxuu baahi weyn u qabaa siyaasad loo-dhanyahay. Waxaana shaki ku jirin in arrintaani wadanka ka baajin karto loollan siyaasadeed ee soo lab-laabta, meeshana ka saari karto sheegaashada mucaaradka ee beenta ah sidoo kalana xoojin karta midnimada qaran.

Wadanka waa laga weecinka karaa siyaasadda dagaalka ku dhisan haddii labo qodob lays waafajiyo: xukuumad dulqaad leh, taa oo ixtiraamta aragtida kala duwan, iyo mucaarad xilkas ah kaasoo mudnaan weyn siiya isku duubnimda qaran islamarkaana isticmaala xaqa sharciga ee uu u leeyahay bannaan-soo-dhigista iyo kasoo horjeesadka xukuumadda markaa awooda heysa.

Xukuumad dulqaad leh waxay awoodda ku timaadaa hab dimuqraadi ah, waxayna si adag ugu dhaqantaa xeerarka lagu maamulo dalka, oggolaataa kala duwaanashaha aragtida, shaqooyinkeeda ku saabsan arrimaha danta guud waa mid daah furan, sidoo kalena waxay ka qeyb qaadataa doodaha dadweynaha si oggolaansho loogu helo go’aamada doodaha keeni kara oo ay dooneyso iney meel mariso si looga hortago shaki. Hoggaanka xukuumaddu waa in ay aqbalaaan in la dhaliili karo, yihiinna kuwo khaldami kara. Haddi kale waxay noqonayaan kuwa lamataabtaan ah oo aan lagu dhicin in la dhaliilo.

Mucaarad wax dhisa oo xilkas ahi waa sida looga hortagi karo damacyada kalatalisnimo ee siyaasiyiinta meelkasta oo ay joogaan. Soomaaliyaa malahan mucaarad ceynkaa oo kale ah xilligaan. Waxaan shaki ku jirin in shakhsiyaadka mucaaradka ay yihiin daneystayaal, aan lahayn mabaadii’ adag, si fudud loosoo xero-gelin karo, ka falceliya dhacdooyinka oo kaliya, una arka siyaasaddu in ay tahay wadiiqada ugu sahlan ee hanti lagu sameeyo, intii ay u arki lahaayeen in ay tahay tubta ugu haboon ee looga shaqeyn karo arrimaha iyo siyaasadaha wax ka beddeli kara nolosha dadweynaha.

Markale, mucaarad xilkas ahi waa in ay daboolka ka feydaan iinaha xukuumadda talada heysa, daaha ka rogaan awoodda sida khaldan loo adeegsaday, musuqmaasuqa, iyo dhaqama  gurracan. Sidoo kalana waa in ay keenaan siyaasado la aamini karo oo beddel u noqo kara kuwa ay ku shaqeeyaan maamulka talada haya. Arrintaan oo dhami waxay suurtageli kartaa markii si daacaad ah loo dhowro xeerarka hagaaya siyaasadda.

Sidaas si lamid ah, mucaarad xilkas ahi waxay u baahan yihiin in ay adeegsadaan dood caqliyeeysan oo ku saabsan danta guud iyagoo ku dhisaaya baaris dhab ah iyo dabagal qoto-dheer si ay u xoojiyaan dooddooda intii ay qeyla dhaamin lahaayeen. Sidoo kale, waa in ay taageeraan wax kasta oo waanagsan oo ay xukuumaddu qabato. Taa kama dhigna in ay yareyneyso qiimihii ay dadweynuhu u hayeen, balse waxay sii adkeyneysaa aaminaaddii dadweynaha ee kaalintooda, waxayna u muujineysaa in ay yihiin kuwo berri lagu aamini karo talada dalka. Intaa waxaa dheer, waa in ay si geesinimo leh ugu raacan xukuumadda arrimaha qaar sida madaxbanaanida iyo midnimida, waana in ay muujiyaan taageeradooda dhabta ah waayo hoggaamiyayaasha qaran ee dhabta ahi waxay kasoo baxaan xaaladaha masiiriga ah.

Sidoo kale, mucaaradku waa inuu ka joogsadaa inuu aflagaado u geysto hoggaanka qaran ee markaa talada haya. Tan ayaa ah mid saameyn xun ku leh sumcadda mucaaradka iyadoo ka dhigi doonta in ay yihiin kuwo aan qiimo iyo ujeed lahayn sidoo kalana meesha kasaari doonta taageeradii dadweynuhu u hayeen dooddooda iyo dadaalladooda ku aadan in ay miisaan ku yeeshaan siyaasadda.

Ugu danbeyntii, dalalka colaadaha kasoo baxay, xurriyadda rayid iyo midda siyaasadeed waa la xurmeeyaa si looga gaashaanto in dib loogu laabto xusuustii hore ee xanuunka badneyd. Sidaas darteed, waa lama huraan in Soomaaliya yeelato xukuumad dulqaad leh iyo mucaarad xilkas ah oo kuwada shaqeynaya xeyndaabka xeerka si loo sameeyo hannaan dib-u-heshisiin dhab ah oo xididdada u siiba sababaha coloodsa Soomaaliya, taa oo beddelkeeda wadada u xaari doonta in baroosinka loo aaso xukuumad shaqeyneysa oo xasiloon gudanna karta howlihii lagu aaminay.

Farxaan Isaaq Yuusuf waxa uu ka yahay Jaamacadda Muqdisho bare iyo madaxa qeybta culuumta siyaasadda ee kulliyadda siyasadda iyo maamulka.

0 replies

Leave a Reply

Want to join the discussion?
Feel free to contribute!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *